Arbaco, November, 01, 2017 (HOL) – Inta la xaqiijinayo 8 ruux ayaa lagu dilay
tiro kale oo intaa ka badanna dhaawacyo kala duwan ayaa ka soo gaaray, kaddib
marki uu nin waday gaari kuwa xamuulka ah uu jiirsiiyay dad ku dhax socday
waddo aad mashquul u ah oo ku taalla magaalada New York ee dalka Mareykanka.
Duqa magaalada New York Bill de Blasio, ayaa ku tilmaamay weerarkani ficil
argagixiso oo lagu bartilmaameedsaday dad rayid ah oo aanan waxba galabsan.
Gudoomiyaha gobolka New York Andrew Cuomo oo isna ka hadlay dhacdadani
ayaa sheegay in aysan jirin daliil muujineysa in weerarkani uu qeyb ka yahay
weerarro ballaaran oo dalka oo dhan ah.
Booliska ayaa sheegay in ninka baabuurka dadka ku dardarsiiyay New York uu
ku qeylinayay “Allahu Akbar” marki uu kasoo dagayay baabuurka.
James O’Neill oo taliyaha ciidamada
booliiska New York ayaa xaqiijiyay in
qofka weerarka geystay caloosha laga dhaawacay isla markaana lagu daweynayo
hadda isbitaal ku yaalla New Yorok. Warbaahinta Mareykanka ayaa sheegtay in
qofka weerarka geystay uu ahaa Sayfullo Saipov oo ah 29 jir u dhashay dalka
Uzbekistan.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]