4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 28, 2017
Britain : Internetka oo ka qeybqaadanaya la dagaalanka argagixisada

 

Axad, May, 28, 2017 (HOL) - Wasiirka arrimaha gudaha ee Britain ayaa sheegtay in shirkadaha Internetka ay bilaabayaan inay noqdaan kuwo gacan wayn ka geysta dagaaka lagaga soo horjeedo argagixisada, ka dib weerarkii dhowaan ka dhacay magaalada Manchester.

Amber Rudd ayaa ku sheegtay wareysi ay Axaddan maanta ah siisay Television laga leeyahay Britain in dalka uu horumar wanaagsan ka sameyneyo in uu la shaqeeyo shirkadaha tegnoolojiyadda si ay awood ugu yeeshaan in ay helaan farriimaha kuwa looga shakiyo argagixisonimada.

Hasse ahaate, waxay intaa ku dartay in ay si wayn uga wal wal qabto shirkadaha internetka ee sii wada inay baahiyaan waxyaabaha nacaybka ku saleysan iyo muuqaalada nacaybka muujinaya ee qaybta ka qaadanaya in la xagjireeyo dadlka ku dhaqan Britain.

Xigasho VOA 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]