Ra’iisal wasaare Kheyre o o la shiray wakiillada beesha caalamka ka jooga Soomaaliya
Axad, May, 28, 2017 (HOL)- Ra’iisal
wasaaraha xukuumada Soomaaliya Xassan Cali Khayre ayaa maanta kulan gaar ah la
qaatay beesha caalamka oo ujeedadiisu ahaa in uu warbixin ka siiyo xaaladda
dalka, isla markaana uu ka codsaday in labada dhinacba ay la yimaadaan isla
xisaabtan dhab ah oo dhameystiran.
Kulanka waxaa goobjoog ahaa Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee QM,
Ergeyga Gaarka ah ee Midowga Afrika, Safiirada Midowga Yurub, UAE, Turkey,
Sweden, China, waxaana qadka shaashada ku jirey wakiilo ka socday Mareykanka
iyo UK. Ra’iisul Wasaaraha waxaa ku wehliyey kulanka Wasiirada Maaliyada, Qorsheynta,
Difaaca, Warfaafinta iyo Wasiiru Dowlaha Xafiiska RW.
Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa ugu horreyn warbixin ka siiyay horumarka ay
dawlada ku talaabsatay mudadii ay jirtey ee dhanka gurmadka Abaaraha, amniga,
Dhaqaalaha, La dagaalanka musuqmaasuqa iyo qorsheyaasha guud ee xukuumada.
Ra’iisul wasaaraha ayaa sheegay in dowlada federaalka ay bilowday nidaam
isla xisaabtan ah oo dhan walba ah kana codsaday beesha caalamka in ay iyagana
la yimaadaan isla xisaabtan furfuran oo shacabka Soomaaliyeed kalsooni siin
kara.
Mas’uuliyiintii beesha caalamka ayaa ugu mahadceliyey ra’iisal wasaaraha
qabanqaabada kulanka iyo warbixinta saafiga ah ee uu ka siiyey xaalada dalku
marayo.
Waxey dhammaantood qireen in horumar baaxad leh oo waxqabad dhab ah lala
yimid, iyagana ay diyaar u yihiin in ay caawiyaan dawladda federaalka.
Ra’iisul wasaaraha ayaa u sheegay
beesha caalamka in dowladda federaalkaa ee cusub ay la timid dhaqan-cusub oo
isla xisaabtan ah, sidaas oo kalena uu ka dalbaday beesha caalamka in ay dhaqankooda
bedelaan oo kaalmadooda ay ku saleeyaan baahiyaha dawlada iyo inay mashaariicda
horumarineed ay dalka ka hirgeliyaan
sida dhismaha Wadooyinka, Buundooyinka iyo mashaariicda horumarineed oo shaqo
abuur u noqoneysa dhalinyarada Soomaaliyeed.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]