4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 28, 2017
Nin hubeysan oo Lix ruux oo barakacayaal ah ku dilay Caabud-waaq

 

Axad, May,28, 2017 (HOL)- Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar nin hubeysan uu ku qaaday dad barakacayaal ah oo gargaar loo qeybinayay degmada Caabud-waaq ee gooblka Galguduud.

Macalin Sugaal Cali Guulleed oo ka mida ah culimada degmada ayaa warbaahinta u sheegay in dadka weerarka ninka hubeysan uu qaaday ku dhintay gaarayaan Lix ruux halka tiro kale oo ka badan 10 ruuxna halkaa ku dhaawacmeen.

Ninka Hubeysan ayaa ka hor inta uusan rasaasta oodda uga qaadin dadka rayidka ah, waxaa uu isku dayay in uu si xoog ah ku qaato cunada la qabinayey, hasse ahaatee markii ay ilaaladii raashinkaasi u diideen ayuu rasaasta ku furay dadkii raashinka sugayay.

Gacan ku dhiiglaha oo ka mid ah sida la sheegay dadka deegaanka ayaa markii danbe goobta ka baxsaday.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]