4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 28, 2017
Wasiirka arimaha gudaha DF Soomaaliya oo gaaray magaalada Cadaado

 

Axad, May, 28, 2017 (HOL)-  Wasiirka wasaarrada arrimaha gudaha iyo federaalka xukuumada Soomaaliya Cabdi Faarax Juxa iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa waxaa ay gaareen magaalada Cadaado oo xarun KMG u ah Maamulka Galmudug.

Wafdiga wasiirka arrimaha Gudaha Soomaaliya ayaa waxaa garoonka diyaaradaha magaalada Cadaado ku soo dhaweeyay wasiiro, xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Galmudug, saraakiil Ciidan iyo xubno kale.

Ujeedka Wasiir Juxa uu u tagay magaalada Cadaado ayaa waxa u yahay ka qeyb galka xaflada caleemo saarka madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle (Xaaf).

Sidoo kale waxaa magaalada Cadaado ku sii qulqulaya ergooyin lagu casuumay in ay ka qeyb galaan Caleema saarka madaxweynaha Galmudug.

Sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan Galmudug maanta ayaa lagu waddaa in Mas’uuliyiin kala duwan oo qeyb galeya caleema saarka ay gaaraan magaalada Cadaado.

Madaxweynaha Cusub ee Galmudug Axmed Ducaalle Geelle (Xaaf) ayaa waxaa la doortay Saddexdii Bishan, waxaana looga fadhiyaa in uu ka shaqeeyo midnimada shacabka degan gobolada dhexe.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]