4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 28, 2017
Gollaha deegaanka degmada Seylac oo Maayar cusub doortay

 

Axad, May,28, 2017 (HOL)- Laba iyo Toban xildhibaan oo ka tirsan golaha deegaanka degmadda Saylac ayaa kal fadhi aan caadi ahayn oo ay yeesheen ku doortay Maayar cusub ka dib markii muddooyinkii u dambeeyey khilaaf hadheeyey xildhibanadaasi.

Xildhibaanaddan ayaa maayar ku xigeenkii hore ee degmadda u doortay Maayar,isla markaana sheegay in aqlabiyadii xildhibaanaddu isku raaceen in maayarkan cusub la doorto, haseyeeshee waxa goobta joogin maayarkii la bedelayey.

Maayarka cusub ee la doortay oo horena u ahaa maayar ku xigeen Sacad Daahir Cige oo ka hadlay markii maayarnimadda loo doortay ka dib ayaa sheegay in xafladda doorashaddu ka dhacday ay goob joog ka ahaayeen waaxyihii dawladda ee gobolka, sida Badhasaabkii, xoghayihii dawladda hoose, taliye ku xigeenkii qaybta gobolka Selel, taliyihi Badda ee gobolka.

Maayarkan cusub ee ka soo dallacay maayar ku xigeenka Sacad Daahir Cige oo ka hadlaya sida loo doortay waxa uu yidhi “ kalfadhigan aan caadiga ahayn waxa iskugu yimid 12 xildhibaan , xaflada waxa ka soo qaybgalay badhasaabka gobolka, xoghaya dawladda hoose, taliye ku xigeenka qaybta booliska, taliyaya ciidanka badda, waxa halkaasi ku soo dhamaaday in 11 xildhbaan aniga ii doortaan maayar.”

 

Mar uu ka hadlayey sida uu arko in isagoo maayar ku xigeen hore u ahaa imika uu noqdo maayar waxa uu yidhi “Runtii aniga aad baan u faraxsanahay inay maayar ii doortaan, waa arrintii aan hore ugu soo shaqeeyey, waana hawl muhiim ah oo ilaahay ka rajaynayo inay ii fududeeyo”

Dhinaca kale, Maayarkii hore ee degmadda Saylac Iidle Saleebaan ayaan goobta la sheegay in xilka lagaga qaaday joogin, iyadoo sharciyan tahay in marka maayar la bedelay uu goob joog ahaa, sidoo kale waxa hore go’aammo looga soo saaray in aan mudadda kala guurka ah wax isku bedel ah la samayn oo aan dawladda dhexe aqbali Karin mooshinno ka dhan ah maayaradda dalka.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.