4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 28, 2017
Xarumaha Xanaanada Caruurta ee Soomaalida Minnesota oo urur ku midoobay (Sawiro)


Axad, May, 28, 2017 (HOL) - Dallad ay ku bahoobeen xarumaha lagu xanaaneeyo caruurta, ayna leeyihiin qaar ka mid ah jaaliyadda Soomaaliyeed ee gobalka Minnesota ayaa dhawaan looga dhawaaqay magaalada Minneapolis.

Ururkan oo magaciisa loo soo gaabiyo MMCA, ayaa waxaa xarumaha ku bahoobay ay tiradoodu gaareysaa 76 xarun, waxaana xafladooda daahfurka ka soo qeyb galay saraakiil ka socotay Wasaaradda Arrimaha Bulshada ee gobalka Minnesota oo ururkan aqoonsaday, iyo Xildhibaan Ilhaan Cumar oo ka tirsan golaha wakiilaa ee gobalka Minnesota, oo iyaduna goobta ka sheegtay in talaabada ururka MMCA ay tahay mid muhiim u ah bulshada Soomaaliyeed ee gobalka.

Guddoomiyaha Ururka MMCA Isaaq Badawi oo xafladda daahfurka ka hadlay ayaa sheegay in ujeedadoodu ay tahay inay difaacaan xarumaha xanaanada caruurta ee ay Soomaalidu leeyihin, isla markaana ay milkiilayaasha Xarumaha ku booriyaan inay shariciga raacaan.

Isaaq badawi oo ka hadlayay waxyaabaha keena in mararka qaar la xiro xarumo ay leeyhiin Soomaalidu ayaa yiri.

“waxaad mooddaa in dowladdu xarumaha Soomaalida si ka duwan sida kuwan dadka caddaanka ah ay mararka qaar u bartilmaameedsato, taasna waxaa keeneysa xarumaha Soomaalidu leeyihiin oo iyaguna qaarkood ay musuqmaasuq iyo wax soo dhexgeliyaan meesha”

Waxaa iyana madasha ka hadashay, Ikraan Yuusuf Maxamed oo ah afhayeenk ururka MMCA, waxa ayna sheegtay inay xil way iska saari doonaan sidii ay sare ugu qaadi lahaayeen aqoonta dadka leh xarumaha.

“Waxa aan rabno waa inaan dadka xarumaha leh tababarro iyo aqoon kororsi siino, si ay sharciga u ilaaliyaan, sabab loo xirana aysan uba imaanin” ayay tiri Ikraan Yuusuf Maxamed oo intaa ku dartay inay doonayaan inay xarumaha difaacaan, qofkii diida sharciga inuu raacana ay u sheegaan inay beri ka yihiin.

Ururkan MMCA ayaa laga rejeynaa inuu noqdo urur bulshada gobalka u bilaaba tubta toosan, islamarkaana ay ku daydaan qeybaha kale ee bulshada.

Siyad Said Salah

Hiiraan Online

[email protected]

Minneapolis,Minnesota