3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 28, 2017
Liibiya : Jabhad weyn oo bur burtay

 

Axad, May, 28, 2017 (HOL) - Ururka ka tirsan maleeshiyaadka Islaamiga ah ee ka dagaalama gudaha waddanka Liibiya - kaas oo uu Mareykanku ku eedaynayo in uu ka dambeeyay weerrarkii 2012-kii lagu qaaday howlgalka America ee Benghazi - ayaa sheegay in ay burbureen.

Ururka Ansaar Al-Shariica ayaa la dagaalamayay ciidamada isku tilmaamay in uu yahay xoogga qaranka Liibiya, oo saldhigyada ku leh bariga dalkaasi kaas oo uu abaanduule u yahay Khaliifa Xaftar.

Bayaan uu soo saaray ururkaasi ayuu ku sheegay in khasaare weyn uu ka soo gaaray dagaaladda, isla markaana la laayay hogaankiisa.

Jabhaddaasi ayaa ugu baaqday ururrada Islaamiyiinta ah in ay u midoobaan dagaalka Benghazi.

Hogaamiyihii Ansar al-Shariica, Maxamed Azahawi, ayaa dabayaaqadii 2014 ku dhintay dagaal ay xooggagiisa Benghazi kula galeen ciidanka Jenaraal Khaliifa Xaftar.

Jenaraalka oo ka dagaallama bariga Liibiya, ayaa horraantii bishan qaaday duulaan uu Benghazi kaga xoraynayo xooggaga mintidiinta ah.

Qaar badan oo ka mid ah dagaalyahannada Ansar al-Shariica ayaa ku biiray ururka la baxay Dowladda Islaamiga ah ee Liibiya.

Jabhadaasi ayaa markii ay dhacday dowladdii Qadaafi, waxa ay la wareegtay saldhigyadii ciidan ee ku yaallay Benghazi, waxaana ay ka dhigtay goobo lagu tababaro kumannaan dagaalyahan oo intooda badan markii dambe aaday Ciraaq iyo Suuriya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
5/28/2017 1:08 PM EST
Axad, May, 28, 2017 (HOL) - Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Britain ayaa sheegtay in shirkadaha Internetka ay bilaabayaan inay noqdaan kuwo gacan wayn ka geysta dagaaka lagaga soo horjeedo argagixisada, ka dib weerarkii dhowaan ka dhacay magaalada Manchester.

5/28/2017 9:13 AM EST
Axad, May,28, 2017 (HOL)- Ra’iisal wasaaraha xukuumada Soomaaliya Xassan Cali Khayre ayaa maanta kulan gaar ah la qaatay beesha caalamka oo ujeedadiisu ahaa in uu warbixin ka siiyo xaaladda dalka, isla markaana uu ka codsaday in labada dhinacba ay la yimaadaan isla xisaabtan dhab ah oo dhameystiran.

5/28/2017 8:35 AM EST
Axad, May,28, 2017 (HOL)- Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar nin hubeysan uu ku qaaday dad barakacayaal ah oo gargaar loo qeybinayay degmada Caabud-waaq ee gooblka Galguduud.

5/28/2017 7:48 AM EST
Axad, May,28, 2017 (HOL)- Wasiirka wasaarrada arrimaha gudaha iyo federaalka xukuumada Soomaaliya Cabdi Faarax Juxa iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa waxaa ay gaareen magaalada Cadaado oo xarun KMG u ah Maamulka Galmudug.

5/28/2017 7:42 AM EST
Axad, May, 28, 2017 (HOL) -Mudanayaasha baarlamanka dowlad goboleedka Jubaland oo isugu yimid kulan aan caadi ahayn ayaa waxa ay sheegeen in ay xasaanadii ka qaadeen labada xildhibaan oo ka tirsan baaramanka.

5/28/2017 7:38 AM EST
Axad, May,28, 2017 (HOL)- Laba iyo Toban xildhibaan oo ka tirsan golaha deegaanka degmadda Saylac ayaa kal fadhi aan caadi ahayn oo ay yeesheen ku doortay Maayar cusub ka dib markii muddooyinkii u dambeeyey khilaaf hadheeyey xildhibanadaasi.

5/28/2017 5:01 AM EST
Axad, May, 28, 2017 (HOL) - Dallad ay ku bahoobeen xarumaha lagu xanaaneeyo caruurta, ayna leeyihiin qaar ka mid ah jaaliyadda Soomaaliyeed ee gobalka Minnesota ayaa dhawaan looga dhawaaqay magaalada Minneapolis.

5/28/2017 3:30 AM EST
Axad, May, 28, 2017 (HOL) - Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xassan Cali Kheyre ayaa goor dhaw oo maanta ah dhagax dhigay jidka 30-ka oo lagu sameynaayo dib u dayactir, waxaana uu shacabka ugu baaqay in ay ka qeyb qaataan.

5/28/2017 3:12 AM EST
Axad, May, 28, 2017 (HOL) – Faah faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal mar kale ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya iyo Al-shabaab ku dhaxmaray deegaanka Number 50 ee gobolka Shabeellaha hoose.

5/28/2017 2:50 AM EST
Axad, May, 28, 2017 (HOL) – Ciidamada Liyuu Booliiska ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa lagu eedeeyay in ay dad shacab ah ku dileen deegaan ka tirsan gobolka Mudug oo hoostaga maamulka Galmudug.

5/28/2017 2:37 AM EST
Axad, May, 28, 2017 (HOL) - Markab sida gargaar oo gaarayso 1.700 tan ayaa waxaa uu gaaray dekedda magaalada Berbera sida ay shaaciyeen mas’uuliyin ka tirsan Soomaaliland.

5/28/2017 2:16 AM EST
Axad, May, 28, 2017 (HOL) - Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maamuli doonta mashaariicda horumarineed ee Midowga Yurub uu siiyo Soomaaliya, kaddib markii wafdi ka socda Midowga Yurub la kulmeen Madaxweynaha iyo Wasiiro ka tirsan Xukuumadda.

5/28/2017 1:56 AM EST
Axad, May 28, 2017 (HOL) - Laba dayaaradood ee sharikadda Turkish Airlines ayaa saakay ka soo wada deggey garoonka Adan Cadde ee magaalada Moqdishu ka dib markii ay in muddo ah ku xayirnaayeen garoonka dayaaradaha ee magaalada Mombaassa ee dalk Kenya