4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 28, 2017
Markab sida gargaar loogu talgalay dadka ay abaaruhu ku dhufteen oo ku xirtay dekedda Berbera

 

Axad, May, 28, 2017 (HOL) - Markab sida gargaar oo gaarayso 1.700 tan ayaa waxaa uu gaaray dekedda magaalada Berbara sida ay shaaciyeen mas’uuliyin ka tirsan Soomaaliland.

Waxaa gargaarkaan bixisay hay’ada Khalifa bin Zayed Al Nahyan Foundation waxaana  loogu tala galay dadka ay saameeyeen abaaraha ee ku sugan  degaanada maamulka Soomaaliland.

Markabkaan ayaa ka soo shiraacday dekadda Hamriyah waxaana lagu wadaa in ay qeybiyaan guddi ka socda dowladdda Imaaraadka Carabta.

Markabkaan waxaa uu sidaa nuucyada kala duwan ee cuntooyinka, waxaana dowladda Imaaraadka Carabta ay sheegtay in ay garabta taagan tahay Shacabka Soomaaliyeed meelwalba oo ay jooggaan.

Dowladda Imaaraadka carabta ayaa saldhig ciidamada ka dhisanaysa magaalada Berbera waxaana ay xiriir gaar ah lala leedahay maamulka iskiis isku aqoonsaday ee Soomaaliland.

Imaaraadka ayaa dhawaan la wareegay dekedda magaalada Berbera halkaa oo ay ka sameysanayaan saldhig militari, waxaana muuqata in taa badalkeeda Imaaraadku qeyb weyn ka qaadanayo gargaarka loo fidinayo dadka ay abaaruhu saameeyeen ee ku dhaqan deegaannada Soomaaliland.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]