4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 27, 2017
Kooxda Arsenal oo ku guuleysatay Koobka faca-weyne ee FA Cup


Sabti, May, 27, 2017 (HOL) - Kooxda kubada cagta ee Arsenal oo marka la eego kala horeynta horyaalka Ingariiska ku jirta kaalinta Shanaad ayaa caawa ku guuleysatay Koobka FA CUP ka.

Cayaaryahannada kooxda Arsenalka ayaa 2-1 kaga adkaatay kooxda uu xifaaltanka adag kala dhaxeeyo oo ay ka wada dhisan yihiin London, kaddib ciyaar adag oo ka dhacday garoonka Wembley.

Ciyaaryahan Alexis Sanches ayaa daqiiqadii afaraad ee bilowga ciyaarta u dhaliyay, gool loo maleynayay Offside, laakiin calan-hayaha uu tilmaamay inay gool tahay.

Qeybtii hore ayaa ku soo dhamaatay 1-0 oo ay Arsenal ku hoggaamineysay, qeybtii labaad ayaa markii la isku soo laabtay, labada kooxood waxay abuureen fursado, hase yeesheen daqiiqadii 68aad ayaa waxaa Chelsea kaarka cas ama Rooso laga siiyay ciyaaryahan Moses oo qaatay jaalihii labaad.

Chelsea oo 10 ciyaartoy ku ciyaareysay ayaa daqiiqadii 76aad ayaa heshay Goolkii bar baraha, waxaana u dhaliyay Diego Costa, kaasoo ciyaarta ka dhigay 1-1, isla markaana soo celiyay rajada Chelsea.

Hase yeeshee Arsenal ayaa saddex daqiiqo kaddib dhalisay goolkii labaad, waxaana madax ugu dhaliyay ciyaaryahan Ramsey, oo meesha ka saaray rajadii tababare Conte ee ahaa in koobkii labaad uu u qaado kooxdiisa Chelsea xilli ciyaareedkiisa u horeeyay.

Ugu danbeyntii ayeey cabaartii ku soo idlaatay 2-1 oo ay Arsenal ku badisay, waxayna taas rajo gelisay tababare Wenger oo loo maleynayo in uu sii joogayo kooxda.

Arsenal ayaa noqotay kooxda ugu koobabka badan, iyadoo qaaday markii 13aad, waxaana tababare Arsene Wenger oo xilli ciyaareedkan wajahayay caqabado uga imaanayay taageerasha uu u qaaday kooxda illaa 7 Koobkan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]