4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 27, 2017
Ciidanka dowladda iyo AMISOM oo la wareegay degaanka Goofgaduud

 
Sabti, May, 27, 2017 (HOL) –Ciidanka dowladda Soomaaliya oo garab ka helaya kuwa Midowga Africa ee AMISOM, ayaa dib maanta ula wareegay degaanka Goof-Gaduud oo 30-KM u jira Magaalladda Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay, sida warbaahinta dowladda ay sheegtay.

Mas’uuliyiinta maamulka Koonfur-galbeed, ayaa sheegay in ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM lagu soo dhoweeyay degaanka.

09-kii bishii May dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ayaa dagaal kula wareegay degaanka Goof-Gaduud, kaddib markii ay weerar ku qaadeen fariisimo ciidamada dowladda ay ku lahaayeen degaankaas.

Xaaladda degaanka ayaa hadda waxaa laga soo sheegayaa in ay tahay mid degan, balse ciidamada ayaa waxaa ka muuqda feejignaan xooggan.

Ma jirto war kasoo baxay xarakadda Al Shabaab oo ku aadan kala wareegidda degaanka. 

Deegaanka Goof Gaduud ayaa waxaa dhowr jeer ka dhacay dagaallo u dhexeeya ciidanka dowladda iyo Al Shabaab.

Gacan ku heynta degaankan waxaa uu muhiim u yahay ammaanka magaalladda Baydhabo oo ah meesha amniga magaalladda laga xaqiijin karo.

Al shabaab ayaa ku xooggan degaanno kamid ah Gobolladda Baay iyo Bakool.

Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia