4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 27, 2017
Turkiga oo ciidamo iyo tababarayaal u soo diraya Soomaaliya

 Sabti, May, 27, 2017 (HOL) - Dowladda Turkiga ayaa shaacisay in  300 oo askari iyo tababarayaal u soo diri doonto Soomaaliya, gaar ahaan magaalada Muqdisho bisha August oo sanadkan.

Safiirka dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya Olgan Bekar oo waraysi siiyay Jariirada Daily Sabah ayaa hadalka sheegay, isaga oo intaa ku daray in bisha September si rasmi ah loo furi saldhiga militari ee Turkigu ka hergaliyay Muqdisho, islamarkaana la bilaabi doono tababarada la siinayo ciidamadda Soomaalida ah.

Waxaa kaloo uu sheegay in Turkigu doonayo in caawiyo dowladda Soomaaliyeed si ay dib ugu soo celiso awoodii dowladnimo iyo kala dambayntii iyo isxukunkii.

” 300 oo askari ayaa imaanaya bisha August oo isugu jira 100 tababare iyo 200 askari oo ilaalin doono saldhiga milateri ee muqdisho oo haatan gabo-gabo ku dhow” ayuu yiri , isaga oo intaa si raaciyay in ay tababari doonaan saraakiisha ciidamada Soomaalida ee militari iyo sidoo kale ciidamada gaarka ah.

Dowladda Turkiga waxay magaaladda muqdisho ka dhistay saldhigi ugu weyn ee milateri oo meel ka baxsan wadankeeda ka dhisto, waxaana la filayaa in lagu tababaro ilaa 3000 askari oo Soomaali ah , kuwasoo ka kala imaanay dhammaan goboladda dalka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]