Sabti, May, 27, 2017 (HOL) - Maxkamada darrajada koowaad ee ciidamada Puntland ayaa xukun dil ah ku riday shan dhalinyarro ah oo sidda la sheegay dhawaan lagu qabtay iyaga oo la socday gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa.
Maxkamada ayaa ku eedeysan dhalinyarradan in ay damacsanayeen in weeraro is qarxin ah ka fuliyaan deegaanno ka tirsan Puntland, waxaana ay sheegtay maxkamadu in dhamaantood qirteen in ay ka tirsan yihiin ururka Al-shabaab.
Ragga maxkamada xukunka ku riday ayaa kala ah :
Puntland ayaa waayadii ugu danbeeyay xukunno kala duwan oo siddan oo kale ku riday dhalinyarro ku eedeysnaa in ay ka tirsan yihiin ururka Al-shabaab, kuwaa oo qaarkood lagu fuliyay dil toogasho ah.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online [email protected]