4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 27, 2017
Xukuumadda Soomaaliya oo dhintay saacadaha ay shaqeeyaan shaqaallaha rayidka

 
Sabti, May, 27, 2017 (HOL) –Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaallaha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Mudane Saalax Jaamac, ayaa sheegay in ay dhimeen waqtiyadii Shaqadda ee Shaqaallaha Rayidka inta lagu guda jiro bisha barakeysan ee Ramadaan.

Mudane Saalax, ayaa sheegay inta lagu guda jiro bisha Ramadaan in shaqadda ay bilaaban doonto 9:00AM kuna egtahay 3:00PM oo galabnimo.

“Shaqaallaha Dowladda waqtiga shaqo ee bisha Ramadaan waxaa uu u bilaabanayaa 9:00AM – 3:00PM. Bishaan waa bil uu Alle xurmeeyay, waa bishii cibaadada iyo dambi dhaafka, Eebe waxaan ka baryeenaa naxariis iyo dambi dhaaf, waxaana isku dardaarmeynaa Cibaado iyo Alle kacabsi badan si abaaraha, fatahaadaha iyo Colaadaha dalka daashay uu Rabi nooga dulqaado” ayuu yiri Mudane Saalax.

Horaantii bishii April, wareegto ka soo baxday xafiiska ra’isul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre  ayaa lagu wargeliyay shaqaallaha dowladda federaalka Soomaaliya in waqtiga shaqo-galka shaqaalaha dowladdu ay maalintii bilaabanayso 8:00 Subaxnimo lagana baxayo 4;30 galabnimo xiliga Soomaaliya.

Ra’isul Wasaaruhu wuxuu wareegtadiisa ku sheegay in ujeedada loo adkeeyay jadwalka shaqo-galka ay tahay si loo dardargeliyo habsami u socodka barnaamijka xukuumadda, islamarkaana hay’adaha dowladu u fuliyaan adeega dadweynaha.

Maanta oo Sabti ah ayaa waxaa dhalatay bisha barakeysan ee Ramadaan oo ah bishii kheyrka iyo wanaaga.

Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia