4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 26, 2017
Dowladda federaalka Soomaaliya oo ku dhawaaqday bilashada bisha barakeysan ee Ramadaan

 Jimco, May, 26, 2017 (HOL) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday in Radamaan caawa koow yahay, sidda ay shaacisay wasaarrada Diinta iyo Owqaafta.

Agaasimaha guud ee wasaaradda Owqaafta iyo arrimaha diinta xukuumadda Soomaaliya Maxamed Kheyroow Aadan oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in dhalashada bisha Ramadaan caawa la arkay.

“Umadda Soomaaliyeed Hambalyo ayaan leeyahay, wasaaraddu waxaa ay xaqiijisay dhalashada bisha barakeysan ee Ramadaan, Mashaa’iq waaweyn iyo dad lagu kalsoonyahay oo wasaaradda la soo xiriiray ayaa noo sheegay in ay indhahooda ku arkeen bisha, sidaas darteedna caawa Ramadaan uu koow yahay” ayuu yiri sh Kheyroow.

Wasaaradda Owqaafta iyo arrimaha diinta xukuumadda Soomaaliya ayaa ku boorrisay dadweynaha Soomaaliyeed in ay is cafiyaan ayna caawiyaan dadka tabarta daran ee duruufaha adag ee xagga nolosha ku sugan.

Sidoo kale dowladaha dunida Islaamka ayaa iyaguna xaqiijiyay in caawa uu yahay habeenkii koowaad tirsiga bisha barakeysan ee Ramadaan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]