3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 26, 2017
Maxkamada sare ee Soomaaliya oo laashay siddeed kursi oo ka mid ah gollaha shacabka

 

Jimco, May, 26, 2017 (HOL) - Maxkamadda sare ee Soomaaliya ayaa laashay siddeed ka mid ah kuraasta aqalka hoose ee baarlamanka Soomaaliya, waxayna amartay in dib loogu noqdo doorashaadooda.

Warqad ka soo baxday maxkamadda oo ku taariiikheysan 16-ka bishan May ayeey maxkamaddu ku sheegtay in kadib dacwo socotay in ka badan 5 bilood ay baabi’isay go’aankii xubnaha madasha qaranka iyo guddigii doorashada federaalka ee lagu fasaxay 8 kursi oo ka mid ahaa 11 kursi ee Guddiga Xalinta Khilaafaadka horey u laaleen.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in maxkamada taageertay go’aankii guddiga xalinta Khilaafaad ee ahaa in kuraastaas la laalo, islamarkaana dib loo galo doorasho cusub.

Maxkamada sare ayaa sheegtay in ay amreyso in dib doorasho cusub loogu tartamo kuraasta ay ku fadhiyaan xildhibaanada kala ah.

1. Cabdullahi Maxamed Adan Shaacir

2. Maxamed Saciid Cabdullahi

3. Maxamed Axmed Abdtidoon

4. Nadiif Aadan Isaaq

5. Muna Khalif Sheekh Abu

6. Cabdicasis Salax Carmaan

7. Sharmarke Garaad Saleebaan Buraale

8. Samra Ibrahim Cumar

Dadka maxkamadda u soo gudbiyey dacwadan ee ku dooday kuraasta sideedda ah ee maxkamadda ay amartay in dib loogu tartamao ayaa kala ah:-

1. Muumino Sheekh Cumar

2. Aadan Maxamed Cali

3. Khaalid Cumar Cali

4. Maxamed Mukhtar Ibrahim

5. Boqor Cabdullahi Axmed Cali

6. Malaaq Sidow Maadow

7. Ibrahim Saalax Dayfullah

8. Caasho Xaaji Cilmi

Ma cadda sida go’aankan uu u dhaqan gali doono, waxaana jirta in kuraasta ay maxkamadda laashay ay xildhibaanada ku fadhiya horey uga qeyb galeen doorashadii madaxweyne ee dalka ka dhacday, iyo go’aano ay soo saareen baarlamanka Soomaaliya. 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
5/26/2017 1:28 PM EST
Jimco, May, 26, 2017 (HOL) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday in Radamaan caawa koow yahay, sidda ay shaacisay wasaarrada Diinta iyo Owqaafta.

5/26/2017 11:12 AM EST
Jimco, May, 26, 2017 (HOL) - Madaxweynaha Koonfur Africa Jocob Zuma ayaa saxiixay sharci cusub oo dadka soo galootiga ah u ogalaanaya in ay qaadan karaan ama badali karaan sharcigooda qaxootinimo ka dib kulan uu shir gudoominayay oo ay yeesheen golaha wasiirada ee Koonfur Afrika.

5/26/2017 6:32 AM EST
Jimco, May, 26, 2017 (HOL) –Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo), ayaa maanta dalka dib ugu noqday, kadib maalmo uu booqasho ku joogay qaar kamid ah wadamadda Khaliijka iyo Jabuuti.

5/26/2017 6:15 AM EST
Jimco, May, 26, 2017 (HOL) –Wasiirka Gargaarka Iyo Maareynta Musiibooyinka xukuumadda Soomaaliya Maryan Qaasim, ayaa maanta oo jimca ah daahfurtay mashruuc cusub oo la doonayo in lagu afuriyo 1.1 million oo Soomaali oo ku nool gudaha dalka Soomaaliya.

5/26/2017 2:15 AM EST
Jimco, May, 26, 2017 (HOL) –Dalka Yemen waxaa shalay oo khamiis aheyd lagu aasay Allaha unaxariistee meydadka 31 qof oo muwaadiniin Soomaaliyeed ahaa oo lagu duqeyay doon ay saarnaayeen 17 Marso 2017.

5/26/2017 1:46 AM EST
Jimco, May, 26, 2017 (HOL) –Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) iyo Boqorka dalka Qadar Emir H H Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani, ayaa kulan guul iyo mira dhal kusoo dhamaaday ku yeeshay magaalladda Doha ee caasimada dalka Qadar, sida uu sheegay wasiirka arrimaha dibadda dalka Qadar Sheikh Mohammed bin Abdulrahman Al Thani.

5/26/2017 1:12 AM EST
Jimco, May, 26, 2017 (HOL) –Koox Bastoolado ku hubeysan ayaa xalay xaafadda Banaadir ee degmada Hodan ku dilay haweeney ganacsata ah, sida Police-ka ay sheegeen.