4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 26, 2017
Haweeney ganacsata ah oo xalay lagu dilay Muqdishu

 
Jimco, May, 26, 2017 (HOL) –Koox Bastoolado ku hubeysan ayaa xalay xaafadda Banaadir ee degmada Hodan ku dilay haweeney ganacsata ah, sida Police-ka ay sheegeen.

Haweeneyda la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Xaawo Cilmi Yuusuf, waxaana goobta ka baxsaday kooxdii dilka geysatay ka hor inta ciidamada Police-ka aysan soo gaarin.

Ma jirto cid sheegatay dilka marxuumada ganacsatada hayed.

Maalmihii lasoo dhaafay waxaa magaalladda Muqdishu ku yaraanayay dilalka haweenka loo geysto.

Dhinaca kale fiidkii xalay koox hubeysan ayaa isla degmada Hodan ku dishay Nin la sheegay inuu ka ganacsan jiray Iibka sigaarka oo ku sugnaa Waaxda Kacaan ee degmada Hodan.

Ninka lagu dilay Nawaaxiga isgoyska dabka ayaa magaciisa isna lagu soo koobay Samakoo, waxaana usuura gashay raggii dilay in ay goobta ka cararaan.

Maamulka degmada Hodan wali kama uusan hadlin dilalka ka dhacay nawaaxiga xaafaddaha Banaadir iyo Dabka oo ka wada tirsan degmada Hodan. 

Dilalka ka dhacay magaalladda ayaa kusoo beegmaya xili bisha Ramadan ay fooda nagu soo heyso isla markaana ciidamada dowladda ay isku diyaarinayaan adkeynta ammaanka guud ahaan magaalladda.

Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia