4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 25, 2017
Shir nabadeyn ah oo ka furmay magaalada Laascaanood ee gobolka Sool

 

Khamiis, May, 25, 2017 (HOL) – Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland ayaa furay kulan laysugu keenay laba beelood oo colaad mudo dheer soo jiitamaysey ka dhextaagnayd Koonfurta gobolka Sool.

Kulankan oo lagu qabtay Hotel Xamdi oo ku yaala bariga magaalada Laascaanood ayaa waxaa ka soo qayb galay ka sokow labada beelood madax-dhaqameed, Cuqaal, waxgarad, Masuuliyiinta Gobolka iyo Degmada, Wasiiro iyo xildhibaano, kuwaas oo Dhmaantood ahaa dadkii ku hawlanaa daminta colaada oo galaafatay dad badan, qaarbadana barakicisay.

Wasiirka Arimaha Gudaha Yaasiin Maxamuud Xiir ayaa waxa uu halkaasi ka soo jeediyey hadalo waano, waxsheeg iyo hadii la qaadanwaayo nabada cawaaqib xumada ay reebayso iyo weliba talaabada ay ka qaadan doonaan.

Qaar ka mid ah madaxda dhaqanka degaankaas oo ay ka mid ahaayeen Suldaan Siciid Cismaan Cali iyo Suldaan Mustafe Maxamuud Awseed oo ka waramay mudadii ay ku hawlanaayeen isukeenista Labada beelood oo ay dhibweyn kala kulmeen, talooyin waafiyana waa ay u soo jeediyeen.

Qaar badan oo ka soo qaybgalayaasha ahaa oo ay ka mid ahaayeen Wasiirka Gaashaandhiga Somaliland

Seynab Cabdi Warsame