4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 25, 2017
Daawo Muuqaalka qaraxii shalay lala eegtay dekadda Muqdisho oo la soo bandhigay

 

Khamiis, May, 25, 2017 (HOL) – Saraakiisha booliiska dowladda Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay soo bandhigay sidii uu u dhacay qaraxii maalintii shalay lagu bartilmaameedsaday maqaaxi ku taalla agagaarka dekedda Muqdisho.

Taliyaha ciidamada booliiska Soomaaliyeed Jen CabdiXakiin Daahir Saciid {Saacid} ayaa warbaahinta u sheegay in qaraxaasi markii hore qorshuhu ahaa in lagu bartilmaameesado sida uu hadalka u dhigay ardeyda Soomaaliyeed ee u fadhisay Imtixaanka shahaadiga ee dugsiyada sare.

Jen. Saacid ayaa sheegay in gaariga qarxay uu ahaa gaari kuwa yar yar ee raaxada ah, isla markaana ay qabatay Camerada Booliska, wuxuuna sheegay inuu qarxay, inta aanu bartilmaameedkiisa gaarin.

Muuqaalka oo ah mid si wanaagsan loo arki karo, ayaa waxaa ka dhax muuqana gadiid isticmaalaya waddada ka hor inta uusan qaraxu dhicin.

Daawo Muuqaalka :

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]