4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 25, 2017
Munaasabadda xuska maalinta Africa oo Muqdisho lagu qabtay

 

Khamiis, May, 25, 2017 (HOL) –Maanta magaalladda Muqdishu waxaa lagu qabtay munaasabadda xuska Maalinta Africa.

25-kii bishii May ee sanadkii 1963-dii, ayaa la aas-aasay ururka Organisation Of African Unity (OAU), kaas oo Qaaradda ka dhigay wadajir iyo barwaaqo. Sanad walba marka bisha May ay ku beegantahay 25, waxaa Africa laga xusaa maalinta Africa.

Xuskii maanta lagu qabtay Muqdishu gaar ahaan xaruunta Xalane waxaa kasoo qeyb-galay, Wasiirka warfaafinta Soomaaliya, Wakiilka QM ee Soomaaliya Ambassador Keating,  Wakiilka Midowga Africa ee Soomaliya, safiiro iyo mas’uuliyiin kale oo lagu casuumay kulanka.

“Dalka Soomaaliya oo xubin ka ah Midowga Africa, waxaa uu horay uga soo qeyb-qaatay xurnimo gaarsiinta wadamo badan oo Qaaradda Afrika ku yaalla, taasina waa sababta ay Africa u garabtaagantahay in Soomaaliya ay nabad ka dhalato”, sidaasi waxaa yiri Madaxa Midowga Afrika ee Soomaaliya Ambassador Francisco Madeira.

Wasiirka warfaafinta iyo Hanuuninta dad weynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Eng Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yariisow, ayaa dowladdaha Midowga Africa uga mahadceliyay taageeradda ay la garabtaaganyihiin Soomaaliya, waxaana dhinaca kale uu ka sheekeyay taariikhda Africa iyo marxaladihii kala duwaan ee laga soo maray xuriyadda.

“Africa aad ayeey u da’yartahay sidoo kale dadkeeda aad ayeey u da’yaryihiin, balse waa in la fahmaa caqabadaha hadda horyaalla”, sidaasi waxaa yiri wakiilka QM ee Soomaaliya.

Sidoo kale munaasabada ka hor waxaa jiray ciyaaro tartan ah, waxaana tartankaasi ku guuleystay ciyaartooyda SNA ee Soomaaliya.

Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia