Khamiis, May, 25, 2017 (HOL) – Shirkii Golaha Wasiirada ee xukuumadda Somaliland ayaa
lagu go’aamiyey in aanay Soomaaliya ka qaadanin lacag laba boqol oo kun oo
doolar ah oo guddida abaaraha Soomaaliya sheegeen inay ugu deeqayaan
Somaliland.
Somaliland
ayaa sheegtay inay hadda ku jiraan ka soo kabashadda abaaraha oo loo ururiyey
lacag dhan saddex milyan iyo laba boqol taas oo qorshuhu ku jiro in la ururiyo
lix milyan si dadka abaaraha wax ku noqday loo taakuleeyo.
“Shirkii
golaha Wasiiradda Ee Tirsigiisu Ahaa 2/25/2017 -220 Oo uu gudoominayay
Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo ayaa lagu
gudoomiyay in aan la aqbalin lacagta 200,000$ ah ee dawlada aynu jaarka nahay
ee Soomaliya tidhi waxaan ugu deeqay maamul goboleedyada Soomaaliya oo aanay
Jamhuuriyada Soomaaliland kamid ahayn waxaanu sheegayaa in Somaliland tahay dal
madaxbanana.”ayaa yidhi wasiirka Warfaafinta Cadaani oo ka hadlayey shirkii
golaha wasiiradda go’aamadii ka soo baxay.
Waxaana
intaas ku daray “Waxa kale oo aanu sheegayaa dawladda Soomaliya in Umadda
Soomaaliland ay kujirto Qorshaha kasoo kabashada Abaaraha lana ururiyey lacag
dhan 3281,940.55, Qorshuhuna yahay in la ururiyo lacag dhan 6 milyan oo Dollar,
lana filayo sida hawshaasi usocoto in ay lacagtaasi ka badato.Waxa kale oo aanu
Umadda Somaliland ugu baaqaynaa inay ka dhiidhiiyaan Quudhsiga Soomaaliya wado
oo ficil ahaan u bedelaan inay ururiyaan lacagtaas balaadhan oo ay aduun
weynaha iyo Soomaaliyaba tusaan inaynu nahay Umadd isu damqata oo isku
tashada cid ama gobol Soomaaliland ah oo aqbali karaana majiro lacagtaas
Soomaaliya.”
Sidoo
kale, waxa uu sheegay wasiir Cadaani in shirkii wasiiradda lagu go’aamiyey in
qaadhaanka la ururinayo uu wasiir waliba bixin doonno shan boqol oo dollar,
agaasimeyaashuna bixin doonaan laba boqol oo dollar.
Wasiirka
waxa kale oo uu ka hadlay hadal ka soo yeedhay madaxweyne ku xigeenka Maamulka
Puntland, waxaanu yidhi “Waxaa kale oo madaxweyne ku xigeenka Putland sheegay
in ay Putland iyo Soomaliland heshiiska DP WORLD dawladda Soomaaliya u
saxeexday, waxa kale oo uu ku daray in dawladda Somaaliland ka baqayso dadkeeda
oo aanay u sheegi karayn. Waxaan leeyahay Dawladda Soomaaliland ee uu
gadhwadeenka ka yahay Md.Axmed Maxamed Silaanyo waa dawlad dadku doortay
waxa ka dhaxeeyaana yahay in run lagu wada shaqeeyo, Soomaaliya madaxweyneheedu
umuu cawdeen dawladda Imaaraadka Carabta hadii uu saxeexay heshiiskaasi.
Heshiiska waxa lagu saxeexay fagaare waxaana wadankan u saxeexay wasiirka
arrimaha debada Dr.Sacad Cali shire, ayaa saxeexay arrinkaas DP WORLD iyo
saldhigaba . Hadii ay saxeexeen maxay u iman waayeen markii lagu wareejinayay
DP WORLD aduunka oo dhan ayaa wax ka qoray, waar haday awoodaa leeyihiin iyaga
ayaa ka talin lahaa ee iskamay fadhiyeen.”
Wasiirka
waxa kale oo uu sheegay in shir warbaahinta iyo xukuumaddu shalay ku yeesheen
xarunta madxtooyadda la isku afgartay in cafis lagu siidaayo wariye Cabdimaalik
Coldoon oo maxkamadda gobolku ku xukuntay laba sanno.
“Waxa
shalay qabsoomay shir ay Saxaafadda iyo dawladu ay wada galeen oo lagaga wada
hadlay arrimo dhawr ah.Shirkaas midhadhalkiisuna waxa uu dhalay in madaxweynaha
Soomaaliland Axmed Maxamed Silaanyo cafis u fidiyay Cabdimaalik Muuse
Coldoon oo ahaa weriye maxkamada gobolka maroodi-jeex denbi Qaran ku xukuntay
kaas oo ahaa 2 sano oo xadhig ah, isagoo tixgalinaya madaxweynuhu weydiintii ay
weydiisteen eheladii iyo madax dhaqameed badan ayuu maanta madaxweynuhu u
fidiyay cafis madaxweyne, weriyahaasi.”ayuu hadalkiisa raaciyey.
Barkhad-ladiif
M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa,
Somaliland.