4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 25, 2017
Jubaland oo dowladda ku eedeeysay in aysan diyaar u ahayn qeybsiga Khayraadka dalka
Khamiis, May, 25, 2017 (HOL) –Kulan ay maanta isugu yimaadeen golaha wasiirada dowlad goboleedka Jubaland oo uu shir gudoominayay Madaxweeynaha Jubaland Mudane Axmed Max'ed Islaam ayaa lagu eedeeyay wasaaradda beeraha dowladda Soomaaliya in ay ku xadgudubtay heshiis wadajir ah oo ay wada sixiixeen wasaaradda beeraha dowladda Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada xubnaha ka ah dowladda dhexe.

Kulanka markii uu soo idlaaday waxaa nuxurka qodobadii kasoo baxay shirka warbaahinta u aqriyay Wasiirka Maaliyadda Jubaland C/rashiid Jire Qalinle, isagoo sheegay in kulanka diiradda lagu saaray heshiis kumeelgaar ah oo  ka dhacay Sycheles oo ku saabsanaa ogolaanshaha soo saaridda shatiga kalluumeysiga qaasatan Tunnaha, kaa oo uu wasiirku sheegay in ay wada sixiixeen dhammaan dowlad goboleedyada.

Waxa uu xusay in dowladda Soomaaliya oo markii hore lahayd hindisaha heshiiska ay ka laabatay dhammaan qodobadii la sixiixay, wasiirkuna beeniyay in wax heshiis ah lagu gaaray Sycheles, isagoo intaa ku daray in ay arkeen shatiyo ay bixisay dowladda oo la siiyay Maraakiib kalluumeysi.

Wasiirka kalluumeysiga iyo khayraadka badda ee dowladda Soomaaliya Mudane C/raxmaan Max'ed Cabdi Xaashi ayaa dhawaan sheegay in uu burburay heshiis ku saabsanaa qeybsiga dakhliga kalluumeysiga Tunna, isagoo xusay in heshiiska ay ogolaadeen dhammaan dowlad goboleedyada balse Puntland ay diiday, isagoo ku eedeeyay in Puntland ay ku doodeeysay in ay la saami noqoto dowladda dhexe ee dalka.

Halkan ka daawo hadalka wasiirka oo dhameystiran.
 


Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.