Khamiis, May, 25, 2017 (HOL) – Madaxweynaha Soomaaliland ayaa goor dhaw oo maanta ah qoraal ka soo baxay cafis ugu fidiyay wariye Cabdi Maalik Muuse Coldoon oo bilihii ugu danbeeyay ku xirnaa magaalada Hargeysa.
Maxkamada magaalada Hargeysa ayaa xabsi labo sanno ah ku xukuntay wariye Cabdi Maalik Coldoon oo lagu eedeeyay in uu ku kacay falal lid-di ku ah Soomaaliland iyo in uu ka qeyb-galay olalihii doorashada madaxweyne Farmaajo.
Halka hoose ka Akhriso wareegtada ka soo baxday madaxweyne Siilaanyo ee lagu cafiyay wariye Coldoon :
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online [email protected]