4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 25, 2017
Kooxda Manchester United oo xaqiiqsatay ka qeybgalka Champions League


Khamiis, May, 25, 2017 (HOL) – Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa xalay xaqiiqsatay ka qeybgalka koobka qaarada Yurub ee Chamions leaguge kaddib markii ay xalay 2-0 uga adkaatay kooxda reer Holand ee Ajax.

Labada kooxood ayaa xalay isku arkay cayaarta Finalka koobka Yurub Laguge garoonka Stockholm ee dalka Sweden, waxaana Manchester oo markii hore wadnaha farta ku heysay u suurtagashay ka qeybgalka tartanka Champions League.

Goolasha ay ku badisay Manchester United ayaa waxaa u kala dhaliyay ciyaaryahanada Paul Pogba iyo Henrikh Mkhitaryan, kuwaasoo goolasha kala dhaliyay labada qeyb ee ciyaarta.

Manchester ayaa noqotay kooxdii shanaad ee qaada koobka Europe League iyo Champions League, waxaa horay rikoorkan u dhigay kooxaha Juventus, Bayern Munich, Liverpool iyo Ajax.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]