4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 25, 2017
Dowladda Turkiga oo qeyb ka qaadaneysa dhismaha ciidamada dowladda Soomaaliya

 

Khamiis, May, 25, 2017 (HOL) - Safiirka Dowladda Turkiga ee Soomaaliya Ambassador Olgan Bekar ayaa sheegay Dowladda Turkiga in ay ka qeyb qaadaneyso Mashaariicda Hormarineed ee Soomaaliya dib u dhiska ciidamada iyo Hormarinta Kaabayaasha Dhaqaalaha.

Safiirka oo wareysi siinayay Daily Sabah ayaa sheegay Turkiga in uu ka go’an yahay in uu sii wado taageerada iyo garab istaaga uu u sameynayo Soomaaliya, si loo gaaro guulo hormar leh.

Sidoo kale Bekar ayaa sheegay in ay xoogga saari doonaan sidii loo heli lahaa ciidamo xoog leh, kuwaasi oo dagaal adag la geli kara Shabaab, amniga guud ee Soomaaliya-na kala wareegi kara ciidamada midowga Afrika ee AMISOM.

“Turkiga waxaa uu diyaar u yahay ka qeyb qaadashada dib u dhiska dalka, xoojinta Ciidamada Soomaaliya, Hormarinta kaabayaasha dhaqaalaha, dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, waa dad diyaar u ah in dalkooda uu hormaro, annagana garab ayaanu ku siineynaa” ayuu yiri Olgan Bekar.

Waxaa uu sheegay ugu danbeyntii safariika in talaabadan qeyb ka tahay horumarinta Soomaaliya, wuxuuna sheegay in Soomaalida looga baahan yahay in ay ka faa’iideystaan dadaalada iyo mashariicda dalkiisu ka fulinayo Soomaaliya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]