Ra’iisal wasaare Kheyre : Xiliyada habeenkii ayuu shaqeyn doonaa garoonka diyaaradaha Muqdisho
Khamiis, May, 25, 2017 (HOL) - Ra’iisul wasaaraha xukuumada Soomaaliya Xassan Cali Kheyre oo kormeeray maalintii
shalay dhabbaha ay ka duulaan diyaaradaha ee garoonka magaalada Muqdisho ayaa
sheegay in xiliyada habeenkii uu shaqeyn doono garoonka.
Nalalka iftiimiya dhabaha ay diyaaradaha ka haadaan ee garoonka ayaa waxaa
todobaadkan lagu wareejiyay wasaaradda Gaadiidka, cirka iyo dhulka, kaddib
markii dowladdu soo iibsatay, isla markaana u keentay shirkadda Favori ee laga
leeyahay dalka Turkiga.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in suritaanka nalalkan suura gelinaya in
habeenkii diyaaradaha ka soo degaan garoonka uu qaadan doono muddo todobaad ah,
waxaana uu ammaan u jeediyay Wasaaradda iyo shaqaalaha garoonka.
“Waxaa u sheegayaa shacabka Soomaaliyeed in garoonka diyaaradaha uu shaqeyn
doono habeen iyo maalin, nalalkan aan ku xirnay wuxuu suura gelinaya in
garoonka habeenkii diyaaradaha ka soo degaan”ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Khere.
Tan iyo bur burkii garoonka diyaaradaha Muqdisho ayaan xilliyada habeenkii shaqeyn, hase ahaatee
waxaa habeenada qaar ka soo dega diyaarado loo maleynayo inay yihiin diyaarado
milateri.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]