4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 24, 2017
Itoobiya oo markii ugu horeysay madax ka noqotay hay’adda caafimaadka aduunka WHO

 

Arbaco, May, 24, 2017 (HOL) – Wasiirkii hore ee arrimaha dibada dalka Itoobiya Tedros Adhanom Ghebreyesus, ayaa noqonaya ninkii u horeeyay ee u dhashay Africa ee loo doorto madaxa hay’adda caafimaadka Adduunka ee WHO, kadib markii uu helay codadka 185 dowladood.

Tedros, oo u dhashay Ethiopia  ayaa badali doona Margaret Chan oo soo heysay xilkaan tan iyo sanadkii 2007.

Hadal uu jeediyay doorashadiisa kaddib ayaa waxaa uu ku balan qaaday in uu la macaamili  doono xaalad kasta oo caafimaad oo degdeg ah oo hadda jirta iyo mid imaan karta mustaqbalka.

“Waxaan sidoo kale difaaci doonaa xuquuqda fuqarada, waa waajib in lala yimaado ceymiska caafimaadka, mana raaxeysan doono ilaa aan ka xaqiijino midaas” ayuu yiri.

Agaasimaha cusub ayaa xilal sare ka soo qabtay dalkiisa, isaga oo soo noqday wasiirka arrimaha dibadda oo laga qaaday sanadkii 2016, waxaana ka hor uu soo noqday wasiirka caafimaadka.

Waxaa la aamisan yahay in mudadii uu hayay xilka wasiirka caafimaadka in wax badan uu ka qabtay caafimaadka, isaga oo sare u qaaday xarumaha caafimaadka ee Itoobiya

Hase ahaatee waxaa  jirtay dood laga keenay doorashada Tedros Adhanom, iyada oo lagu eedeynayo in uu ka fashilmay intii uu ahaa wasiirka caafimaadka  in uu la tacaalo kiisas caafimaad, inkstoo taageerayaashiisa ay beeniyeen eedahaas.

Waxaa kale oo ay cuskanayaan kuwa mucaaradsan doorashadiisa in uusan mudneen xilkaan in uu ka soo jeedo dal aan laga tixgalin aragtida qof iyo xuquuqda aadanaha.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]