4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 24, 2017
Farmaajo iyo Ismaaciil Cumar oo ka wada hadlay arrimaha siyaasada, amniga iyo la daagaalanka Al Shabaab

 

Arbaco, May, 24, 2017 (HOL) -Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo, ayaa booqasho rasmi ah shalay ku tagay dalka Jabuuti.

Madaxweyne Farmaajo, ayaa waxaa qasriga Madaxtooyada kusoo dhoweeyay dhigiisa dalka Jabuuti Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, kadibna waxaa salaam sharaf uu ka qaatay Ciidanka jamhuuriga.

Labada Madaxweyne ayaa ka wada hadlay xiriirka soo jireenka ee labada dal u dhaxeeya iyo danaha labada dal, waxaa ay isla soo qaadeen arrimaha siyaasada, amniga iyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Labada Madaxweyne ayaa markii uu soo dhamaaday kulan, waxaa ay si wadajir ah u qaateen shir jaraa’id oo ay ugu hadleen arrimo kala duwan.

 
Madaxweyne Farmaajo ayaa uga mahad celiyay Jabuuti, doorka ay ka qaadaneyso nabad ku soo dabaalida Soomaaliya, iyadoo kumanaan askari u soo dirtay Soomaaliya, kuwaasoo qeyb k ah howl galka nabad ilaalinta AMISOM.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ka qeyb geli doona furitaanka deked cusub oo dhowaan xariga laga jari doono.

Dhinaca kale Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo waxaa uu khudbad ka jeedin doonaa Xarunta Baarlamaanka Jabuuti.

Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia