4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 23, 2017
Magaca qofkii ka danbeeyay weerarkii Manchester oo la shaaciyay

 

Talaado, May, 23, 2017 (HOL) – Salmaan Abedi oo 22 sano jir ahaa ayuu ahaa qofkii geystay weerarka Manchester oo 22 qof ay ku dhinteen sida uu sheegay booliska.

Qofka weerarka geystay ayaa la sheegay in uu ku dhashay Manchester asal ahaana uu ka soo jeeda Liibiya.

Abedi, iyo seddax carruur oo la dhalatay ayaa waxay marar kala duwan degeen xaafado ku yaalla Manchester oo mid ka mid ah booliska ay baareen.

Faah faahin dheeraad ah ma bixinin booliska oo ku saabsan ninkan la sheegay in uu weerarka geystay.

Qaar ka mid ah 22 qof ee u ku dhimatay weerarkaasi ayaa la shaaciyay magacyadooda, 16 ka mid ah waxaa la sheegay inay ahaayeen carruur.

Kooxda Daacish ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarka oo lagu dilay 22 qof, islamarkaana 59 kale lagu dhaawacay.

Dad goob joogayaal ah ayaa sheegay inay maqleen dhawaq xooggan markii ay dhamaadeen heeso ay goobtaasi si toos ah uga qaadeysay Ariana Grande, oo ah fanaanad caan ah oo u dhalatay dalka Mareykanka.

Goobjoogayaasha ayaa sheegay inay maqleen qarax ka dhacay albaabka hore ee laga galo goobta uu bandhig faneedku ka socday.

Boosteejada tareennada Manchester Victoria oo u dhaw goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa la xiray, waxaana la baajiyay dhammaan safaradii tareenada ee qorsheysnaa.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]