Talaado, May, 23, 2017 (HOL) - Madaxweynaha
dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray
dalka Jabuuti, isaga oo kulan la qaaday doona dhiggiisa Ismaaciil Cumar Geelle
Booqashada madaxweynaha Soomaaliya oo ah mid rasmi ah ayaa noqoneysa tii ugu
horeysay ee uu ku tago dalka Jabuuti.
Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa ka soo dhoofay dalka Sacuudiga halkaasoo ay uga
qeyb galeen shir madaxeedka madaxda dalalka Islaamka iyo Madaxweynaha
Mareykanka.
Madaxweyne Farmaajo ayaa la kulmi doona Madaxweynaha Jabuuti
Ismaaciil Cumar Geelle, iyagoo ka wada hadli doona.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa la filayaa uu khubad la xiriirta xaalada Soomaaliya ka horjeediyo baarlamaanka Jabuuti
,sidoo kale waxaa uu ka qeybgali doonaa Xaflad uu Madaxweynaha Jabuuti uu ku
daah furayo dekedda cusub.
Jabuuti ayaa ka mid ah wadamada ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya, kuwaasoo
qeyb ka ah howl galka AMISOM,
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]