4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 23, 2017
Howlgal ka dhan ah Al-shabaab oo ka bilaawday gobolka Bakool

 

Talaado, May, 23, 2017 (HOL) - Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa hawlgallo ballaaran oo Al-shabaab lagula dagaalamayo ka bilaabay deegaano hoostaga gobolka Bakool.

Saraakiisha ciidamada xoogga dalka Soomaaliya qaybta 60-aad ayaa sheegay in hawlgalladan looga yihiin kuwa lagu ka dhan ah Al-shabaab loogana saarayo deegaanno ka tirsan gobolka oo ay maamulaan, kaddib cabasho is xig xigtay oo ka timid dadka ku dhaqan deegaannaadaas .

Ciidamada dowladda ayaa ku guuleystay in ay qaadaan jidgooyooyin u yaallay Al-shabaab sida uu mid ka mid ah saraakiisha ciidamada dowladda  u sheegay warbaahinta, isaga oo intaa ku darray  in  Al-shabaab maalmaha soo socda ka saari doonaan guud ahaan gobolka Bakool.

Gen.C/llaahi Cali Caanood abaanduulaha ciidamada xooggga dalka Soomaaliya ayaa dhawaan sheegay in ciidamada dowladda ay wadaan abaabulkii ugu danbeeyey hawlgalka Al-shabaab laga saarayo guud ahaan Gobolada dalka Soomaaliya.

Ciidamada dowladda Soomaaliya oo kaashanaya kuwa Ethiopia iyo ciidammada maamulka Koonfur galbeed ayaa marar badan dib uga soo baxay degmooyin iyo deegaano ay kala wareegeen Al-shabaab.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]