4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 23, 2017
Al Shabaab oo tababar ciidan gudaha dalka Soomaliya ugu soo xiray dagaalyahanno Kenyan ah

 

Talaado, May, 23, 2017 (HOL) – Warbaahinta Al Shabaab ayaa siidaayay muuqaal ku saabsan xaflad loo sameeyay dagaalyahanno ka tirsan kooxda oo dhameystay tababar ciidan oo muddo socday.

Sheekh Cali Maxamuud Raage, oo ah afhayeenka Al shabaab, ayaa sheegay in dagaalyahannada dhameystay tababarka ay intooda badan yihiin Kenyan, kuwaas oo la doonayo in ay dib ugu noqdaan dalkooda Kenya kadibna ay halkaasi ka fuliyaan weeraro ka dhan ah dowladda Kenyan, sida hadalka uu u dhigay.

“Dagaalyahannada tababarka dhameystay intooda badan waa Kenyan, waxaa ay hadda yihiin ciidan, waxaana ay ku noqon doonaan dalkooda Kenya iyo qoysaskooda waxaana ay sameyn doonaan howlgallo”, sidaasi waxaa yiri Ali Dheere.

Waa markii ugu horeysay ee Al shabaab ay sida oo kale u soo bandhigaan dagaalyahanno iyaga ka tirsan oo Kenyan ah kuwaas oo dhameystay tababar ciidan.

Lama oga tirada ay la legyihiin dagaalyahannada Al Shabaab ee tababarka loo soo xiray.

Dhinaca kale maalmo ka hor AlShabaab ayaa soo bandhigay Askari katirsan ciidamada Kenya kaas oo ay ku qabteen dagaal ka dhacay degaanka Ceel-Cadde ee gobolka Gedo sanadkii hore.

Muuqaal soconaya Afar daqiiqo oo laga soo duubay Askarigan magaciisa lagu sheegay Alfred Danyi Kilasi ayaa waxaa uu fariin udirayaa madaxda Kenya iyo eheladiisa.

Dowladda Kenya ayaa qeyb ka ah howlgalka Midowga Africa ee AMISOM, ee dagaalka kula jira Al Shabaab, tan iyo markii dowladda Kenya ay ciidamo usoo dirtay dalka Soomaaliya, waxaa Kenya ka dhacay weeraro aad u darnaa.

Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia