4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 22, 2017
Ra’iisal wasaare Kheyre oo dhiiri-galin u sameeyay ciidamo loogu talagalay xasilinta caasimada Muqdisho


Isniin, May, 22, 2017 (HOL) – Ra’iisul wasaaraha xukuumada Soomaaliya Xassan Cali Kheyre ayaa booqasho dhiiri-galin ah ugu tagay ciidamada wadajirka ee fulinta qorshaha xasilinta caasimada oo howlgalo lagu soo qab qabtay hub iyo dareys ciidan ka sameeyay Muqdisho.

Ra’iisul wasaare Khayre oo hadal dhiirigelin ah u jeediyey ciidamada howlgalka Muqdisho ayaa ku ammaanay doorkooda geesinimada leh oo ay u istaageen inay shacabka Soomaaliyeed amnigooda iyo xasilloonidooda sugaan.

Ra’iisul wasaaraha ayaa sheegay in maanta la joogo waqtigii xoojinta midnimada ummadda iyo u istaagista difaaca shacabka.

Ciidanka wadajirka ah oo saakay aroortii 6da subaxnimo ka bilaabay howlgalkooda degmada Wadajir, xaafada Xaawo Taako ee Siliga Ameerikaanka ayaa gacanta ku soo dhigay 17 Qori iyo 3 bistooladood, tuutaha militariga, kan booliiska, calaqa iyo xashiish.

Ciidanka ayaa sidoo kale isla maanta howlgal kaa la mid ah ka sameeyey degmada Shingaani oo ay baaris ku sameeyeen goob Hubka lagu sameeyo, laguna gado. Ciidanka ayaa la soo wareegay qalabkii sameynta hubka iyo kuwii hubka looga baabi’inayey numberkooda. Waxaan goobtaas laga soo helay 2 Qori iyo 3 Bistooladood.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa maqaayad ku taala Wardhiigley la fariistay dhalinyaro halkaas joogtay oo uu ka wareystay xaaladooda. Waxaana halkaas ku soo maray ardey iskuul ka soo baxday oo uu Ra’iisul Wasaarahu wareystay xaalada waxbarashadooda.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]