4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 22, 2017
Prof Cali Khaliif Galleyr oo faah faahin ka bixiyay joogitaankiisa magaalada Hargeysa

 

Isniin, May, 22, 2017 (HOL) – Madaxweynaha maamulka Khatumo State Prof Cali Khaliif Galeyr oo labadii cisho ee la soo dhaafay socdaal ku joogay magaalada Hargeysa ayaa faah faahin ka bixiyay ujeedada socdaalkiisa iyo haddii ay jiraan mas’uuliyiin Soomaaliland ah oo ay is arkeen.

Prof Galeyr ayaa sheegay in sababta uu Hargeysa u tagay tahay in uu halkaa ka raaco diyaarad madaama sida uu hadalka u dhigay Hargeysa leedahay garoon aad u wanaagsan.

Isaga oo wareysi siinayay Idaacada VOA-da ayuu yiri’’ Hargeysa waxaan u imid in aan diyaarad ka raaco sabab aan hadda ku dheeraaneynin ayaana igu kaliftay in aan halkan soo maro oo diyaarad ka raaco, Hargeysana runtii waan ay dhisantay oo maamulka hadda jira waxaa la oran karaa shaqo wanaagsan ayuu ka qabtay magaalada inkastoo aan jaanis u helin in aan ku soo war- wareego'’ ayuu yiri Prof Galeyr.

Sidoo kale Cali Khaliif ayaa sheegay in ay is arkeen madaxweynaha Soomaaliland Axmed Max’ed Max’uud Siilaanyo.

‘’ Waan is aragnay madaxweynaha, wasiiro, guddoomiyaha xisbiga Kulmiye iyo xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Soomaaliland, laakiin nin wada hadallo in halka uu ku gallo u yimid ma aheyn, ‘’ ayuu hadalkiisa sii raacayay.

Mar uu soo hadal qaaday halka ay marayaan wada hadalladii uu dhaxeeyay Soomaaliland iyo maamulka Khatumo ayuu sheegay in wada hadalladaasi meel wanaagsan marayaan, isaga oo sheegay in labada maamul dano badan ka dhaxeeyaan.

‘’’ Wada hadallada meel wanaagsan ayeey marayan, laakii ma jirto hadda taariikh kale oo aan kuu sheegi karo oo aan leeyahay  wada hadallada waa ay furmayaa, anniga hadda Nairobi ayaan u socdaa oo aan shir uga qeybgali doonaa, haddii aan Nairobi ka soo noqdanaya magaaladan waan soo mari doonaa oo waxaan rajeynayaa in aan si aragno mas'uuliyiinta maamulka Soomaaliland kana wada hadalno waqtiga kale ee wada hadallada qabsoomi doonaan ‘’ ayuu sheegay Cali Khaliif Galeyr.

Waa safarkii labaad ee madaxweyne Galeyr uu ku tago magaalada Hargeysa waxaana muuqata in uu jiro wax xooggaa isku soo dhawaasho ah oo u dhaxeeya Prof Galeyr iyo  Soomaaliland oo markii hore siweyn siyaasada ugu kala durugsanaa.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]