Puntland : Carruurtii Shabaabka ahaa ee aan Xamar u dirnay dib ayeey Shabaab ugu biireen
Isniin, May, 22, 2017 (HOL) – Madaxweyne ku-xigeenka dowlad
gobolleedka Puntland C/xakiin Xaaji Cabdullaahi Cumar Camey ayaa sheegay in
carruurtii ay ku qabteen dagaalladii ay la galleen Al-shabaab ee lagu
wareejiyay hay’adda Elman mar kale dib ugu biireen isla ururka
Al-shabaab.
Waxaa uu sheegay in 26 carruur ah oo ay u gudbiyeen hay’adda
Elman si dhaqan celin loogu sameeyo la arkay qaarkood mar kale iyaga oo u dagaalamaya
ururka Al-shabaab qaarkoodna dagaal lagu qabtay sida uu hadalka u dhigay.
‘’Arintan waan kula xisaabtami doonnaa hay’adda
xaquuqul Insaanka ee Muqdisho fadhigoodu
yahay, waxaana ay noqoneysaa intii aan carruurta lagu qabto dagaallada u diri
laheyn Xamar annaga aan dhaqan celin u sameyno’’ ayuu yiri madaxweyne
ku-xigeenka dowlad gobolleedka Puntland.
Madaxweyne ku-xigeenka ayaa sheegay in qaar ka mid ah
carruurtaas oo ay gacanta ku hayaan dhaqan calin loo
sameeyay islamarkaana maamulka Puntland uu damaanad qaaday arintaa.
Ma jiro ilaa iyo hadda wax war ah oo ka soo baxay dhinaca
hay’adda Elaman oo la xiriira eedeynta uu u soo jeediyay madaxweyne ku-xigeenka
dowlad gobolleedka Puntland.
Puntland ayaa sanadkii 2016ka dagaal culus oo ay la gashay
Al-shabaab ku qabatay maxaabiis dhowr ah oo ay ka mid ahaayeen carruur aad u da’yar
laakiin u dagaallamayay Al-shabaab.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]