Kenya oo xoojineysa amniga magaalada Mandera si looga foojignaado weerarada Al-shabaab
Isniin, May, 22, 2017 (HOL) – Dowladda
Kenya ayaa sheegtay in ciidamo dheeraad
ah u direyso magaalada Mandera ee
gobollka Waqooyi Bari si looga gaashaanto weerarada Al-shabaab ee bisha
Ramadaan.
Sida uu qoray wargeyska Daily Nation ee ka soo baxa Kenya madaxweyne ku
xigeenka dalka Kenya William Ruto oo ka hadlayay isku soo bax ka dhacay magaalada
Mandera oo uu soo abaabulay xisbiga haya talada Kenya ee Jubilee ayaa waxaa uu
ballan qaaday in dowladda Kenya ay ciidan dheeri ah u soo daadguraynayso magaalada
Mandera.
“Dowladda waxay bilowday kordhinta amniga deegaanada Mandera,waxaan diyaar u
nahay in aan shaqo galino 150 ciidammada booliis ah oo kayd ah bishan
gudaheeda,sababtoo ah waxaan dooneynaa in aan sugno amniga deegaanada Mandera”ayuu
yiri madaxweyne ku xigeenka dalka Kenya William Ruto.
Al-shabaab ayaa weeraro aan kala joogsi lahayn ku qaaday magaalada Mandera
iyo deegaanada hoos yimaada ee ku teedsan xuduudka ay wadaagaan Soomaaliya iyo
Kenya,Al-shabaab ayaa la aaminsan yahay in ay laba jibaari doonaan weeraradooda
marka la gudagalo bisha barakaysan ee Ramadaan oo maalmo yar ay inaga xigaan.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]