4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 22, 2017
Nin hubeysan oo haweeney ku dilay degmada Gaalkacyo ee gobolka Mudug

 

Isniin, May, 22, 2017 (HOL) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa sheegay in nin hubeysan subaxnimadii hore ee saakay toogasho ku dilay haweeney horay uga tirsaneyd ciidamada booliiska dowlad gobolleedka Puntland.

Goob joogayaal ayaa warbaahinta u sheegay in qofka dilka geystay isku dayay markii hore uu isku dayay in uu jir dil u geysto marxuumada hasse ahaatee markii danbe rasaas ku furay isaga oo goobta ka baxsaday.

Marka laga oo tago in ay ka mid aheyd ciidamada booliiska haddana dhinaca kale haweeneydan ayaa la sheegay in goob ganacsi oo lagu iibiyo cunnada fudud ku laheyd magaalada.

Saraakiisha ciidamada ayaa sheegay in ay ku raad joogaan qofkii dilka geystay, lamana oga ilaa iyo hadda sababta toogashada haweeneydan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]