4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 22, 2017
Bilashada bisha barakeysan ee Ramadaan iyo barakaca Abaarta

 

Isniin, May, 22, 2017 (HOL) - Maalmo kooban oo kaliya ayaa ka dhiman bilashada bisha barakeysan ee Ramadaan oo ah bil ku weyn guud ahaanba dadka muslimiinta ah ee ku nool daafaha dunida gaar ahaan bulshada Soomaaliyeed.

Sida caadada ah maalmaha ka horeeya bisha Ramadaan qoysaska Soomaaliyeed waxaa ay u galaan diyaar garoow xoog leh, iyaga oo soo iibsada dhamaanba wax yaabaha ay u baahan yihiin 30ka cisho ee bisha, gaar ahaan raashinka iyo wax yaabaha kale ee mac-macaanka ah ee loo isticmaalo afurka sidda Timirta iyo wixii la halmaala.

Laakiin kumannaan qoysas ah ayaa bishan Ramadaan ee nagu soo foolka leh lagu waddaa in ay wajahaan xaalad adag oo dhinaca nolasha, kaddib abaar baahsan oo ku dhufatay inta badan deegaannada Soomaalida, taasoo sababtay in qoysas badan oo Soomaaliyeed u barakacaan magaalooyinka waaweyn sida caasimada Muqdisho.

Waxa kaliya ay qoysaskan Miciin bidayaan ayaa ah kaalmada aan badneyn ee hay'addaha, shirkaddaha iyo dadka muxsiniinta ah ugu deeqaan oo xitaa la oran karo siddii loo baahnaa dadka looma wadda gaarsiiyo ama waxaa ka faa'ideysta dad laga yaabo in ay xigto dhaw ama qaraabo la yihiin hadba cidda markaa gargaarka qaybineysa.

Dabcan, waa waajib in qofka muslimka ah uu soomo 30ka bisha Ramadaan haddii uusan jirin cudur daar sharci ah, balse dhibaatada jirta ma'aha mid yar oo qormo oo kaliya lagu soo koobi karo, waxaase la dhihi karaa saameyn dhinaca nolasha ah ayeey ku yeelanaysaa qoysas badan oo Soomaaliyeed [Bilashada bisha Ramadaan & barakaca abaarta] oo la oran karo waa labo xaaladood oo marka ay isku kaa qabtaan aad u adag.

Inkastoo dowladda Soomaaliya oo kaashaneysa hay’addo caalami ah iyo qurba joogta Soomaaliyeed dadaal xoog leh ugu jiraan sidii loo gargaari lahaa dadka ay abaartu sameysay, haddana xaalku wali fari kama qodna marka la eego baaxda abaarta dalka jirta oo ah mid gaartay heerkii ugu sareeyay, waloow haddana marka dhinaca kale la eego rajada dadka Soomaaliyeed qabaan tahay mid wanaagsan roobabkii xiliga gu’gana ka curteen deegaanno badan oo ka mid ah Soomaaliya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]