4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 22, 2017
Cudurka Cholera oo ka dilaacay dalka Yemen

 
Isniin, May, 22, 2017 (HOL) – Cudurka Cholera ayaa ka dilaacay dalka ay bur-buriyeen dagaalada ee Yemen, sida hay’adda caafimaadka Adduunka ee WHO ay sheegtay.

Tan iyo 27-kii bishii April, ugu yaraan 315 qof ayaa u geeryooday cudurka, sida hay’adda ay sheegtay.

Hay’adda caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa dhinaca kale sheegtay in 22 gobol oo ka tirsan dalka oo dhan in uu saameyay cudurka, waxana uu soo ritay da’ kasta oo mushtamaca dalkaasi kamid ah.

Todobaadkii lasoo dhafay, xaalad deg-deg ah ayaa looga dhawaaqay magaalladdda caasimada ee Sanca gaar ahaan dhulka ay maamulaan macaaradka kadib, markii lagu arkay kiisas badan oo cudurka ah.

In kabadan kala bar xaruumihii caafimaadka ee dalka Yemen ayaa ahaa kuwo aan shaqeyn, sida WHO ay sheegtay.

Xanuunka Cholera, ayaa dadka uu soo ritay waxaa u badan haween iyo carruur, kuwaas oo aan heysan dawooyinkii lagula tacaali lahaa cudurka.

Dalka Yemen, wali waxaa ka jira dagaalo sokeeyo kaas oo hoos u dhigay sumcadii dalkasi uu lahaan jiray.

Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia