4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 22, 2017
Daawo: Real Madrid oo ku guulaystay koobka La Ligaha

 

Isniin, May, 22, 2017 (HOL) – Kooxda Real Madrid ayaa xalay ku guulaysatay koobka La Ligaha kadib markii ay ka adkaatay kooxda Malaga.

Ciyaartooyda kala ah Cristiano Ronaldo iyo Karim Benzema, ayaa kooxda Los Blancos ku caawiyay guushii xalay ay gaareen kadib markii min hal gool ay u dhaliyeen kooxda.

Guushii xalay ay gareen kooxda ayaa ka dhigan mid taariikhi ah, waxaana  Zinedine Zidane, ay uga dhigantahay koobkiisii ugu horeeyay ee La Ligaha oo uu la qaado kooxda Real isaga oo macalinka Madrid ah.  
Real Madrid ayaa u dabaal degtay koobkeedii 33-aad ee La Ligaha, waxaana ugu dambeeyay koobkan in ay qaado xili ciyaareedkii 2011/2012 markaas oo uu Mourinho kooxda uu u qaaday.

Maclin Zinedine Zidane, ayaa  fursad u haystaa in uu Madrid kula guulaysan karo koobka Champions leaque-ga.

Taageerayaasha kooxda Real, ayaa xalay muujinayay dhiiranaan xoogan, waxaana guushii ay xalay gaareen ay fariin u direysaa kooxda ay xifaaltamaan ee Barca, oo dhawaan laga soo reebay koobka Champions Leaque haddan looga guuleystay koobka dalka Spain. 
SHIXIHII LABADA KOOXOOD EE KULANKAN:

MALAGA (4-2-3-1): Kameni; Torres, Villanueva, Hernandez, Ricca; Camacho, Recio; Keko, Jony, Fornals; Ramirez.

KAYDKA: Boyko, Demichelis, Carlos, Castro, Duda, Santos, Charles.

REAL MADRID (4-3-3): Navas; Danilo, Ramos, Varane, Marcelo; Casemiro, Kroos, Modric; Isco, Ronaldo, Benzema.

KAYDKA: Casilla, Nacho, Rodriguez, Kovacic, Vazquez, Asensio, Morata.

Halkaan ka Daawo:- 

Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia