4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 18, 2017
Xildhibaan Ilhaan Cumar oo qabatay kulan looga hadlay xanuunka Jadeecada iyo tirada oo sii kordhaysa Minnesota

Khamiis , May, 17, 2017 (HOL)–Xildhibaan Ilhaan Cumar oo ka tirsan Golaha wakiilada ee Minnesota ayaa shalay galab  ku qabatay xarunta Brian Coyle Center ee xaafadda ay Soomaalidu ku badan tahay ee Cedar Riverside,  Kulan looga hadlaayay tirada dadka Jadeecada ku dhacayso oo sii kordhaysa MN iyo sidii loo xakamayn lahaa,waxaa ka soo qeyb galay masuulka ugu sareeya waaxda caafimaadka ee gobalka Minnesota Edward P. Ehlnger iyo xubno kale oo tirsan aqalka sharci dajinta Minnesota.

Kulanka ayaa looga warbaxiyey dadwaynaha cudurka jadeecada oo maalinba maalinta ka danbeysa ku sii baahaya Soomaalida Minnesota heerka uu marayo iyo dagmooyinka uu u gudbay isagoo markii ku bilaabmay hal dagmo oo qura.


Dadwayne Suaalo Waydiinaya Waaxda Caafimaadka Minnesota
Xildhibaan Ilhaan Omar
Madaxa waaxda Caafimaadka Minnesota Edward,P Ehlinger
Calaamad Muujinaysa  Taariikhda Talaalka MMR oo waalidiinta soomaaliyeed ay diideen inay ilmahooda ku talaalaan
Dadwaynahii kulanka ka soo qaybgaly oo dhagaysanaya Ilhan Omar
Calaamad Digniin ah

Tirada guud ee caruurta laga helay cudurka jadeecada ayaa haatan waxa uu marayaa 63 oo 53 ka mid ahi ay Soomaali yihiin, sida ay xaqiijisay wasaaradda caafimaadka ee gobalka.

Caruurta Soomaaliyeed ayaa sababta looga helay cudurka jadeecada waxa ay wasaradda caafimaadka ku sheegtay inay tahay talaal la’aanta.

Dr. Edward Ehlinger, madaxa wasaaradda caafimaadka ee gobalka Minnesota oo la hadlayay dadkii goobta isugu yimid, ayaa sheegay in cudurka jadeecadu uu yahay cudur laga hortagi karo, islamarkaana uu keeni karo dhimasho, waxa uuna carabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in kor loo soo qaado heerka talaalka caruurta soomaaliyeed oo aad u hooseeya.

Xildhibaan Ilhaan Cumar ayaa iyaduna HOL u sheegtay inay kulankaan uga dan lahayd in dadka Soomaalida lagala hadlo sidii xanuunkaan faafaya loo soo afjari lahaa,ilmahana lagu dhiirigaliyo inay talaalaan waalidiintu,waxayna ku dartay in loo baahan yahay wacyi galin guud oo bulshadda loogu baaqo ka hortaga Jadeecada.

Xildhibaan Ilhan Cumar ayaa sheegtay in golaha wakiilada ee gobolka Minnesota ay ka shaqeynayaan sharci sadax qeybood ka kooban, oo ah qarash lagu bixiyo wacyigelinta bulshada, in laga hortago dhamaan cudurada faafa iyo in waalidka diida inuu ilmihiisa talaalo lagu qasbo inuu marka hore dhakhtar la kulmo.

Mas’uuliyiinta Soomaalida iyo kuwa caafimaadka ee gobalka ayaa dhowrkii todobaad ee la soo dhaafayba waxa ay wadeen dadaalo wacyigalineed oo bulshada loogu sheegayo in ay ilmahooda jadeecada ka talaalaan.

Waalidiintii goobta ku sugnaa ayaa suaalo dhawra  waydiiyay xeeldheerayshii caafimaad ee goobta ka hadlay iyagoo ka hadlay walwalkooda ku aadan talaalka MMR ee jadeecada loo qaato, kaas oo ay u diideen inuu keenayo xanuunka Autismka .

Siyad Said Salah

Hiiraan Online

[email protected]

Minneapolis MN