4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 17, 2017
Qarax gaari loo adeegsaday oo ka dhacay degmada Wadajir ee gobolka Banaadir

 

Arbaco, May, 17, 2017 (HOL) – Qarax aad u xoogan ayaa goor dhaw laga maqlay degmada Wadajir ee gobolka Banaadir, kaddib markii ay ciidamada ka war helleen gaari qarax laga soo buuxiyay oo la soo dhigay meel aan ka fogeyn saldhiga degmada Wadajir.

Gaarigan ayaa la sheegay ay wateen labo dhalinyarro ah oo markii danbe mid ka mid ah la toogtay kaddib markii ay isku dayeen in ay baxsadaan.

Gaariga oo yaallay meel wado jid cadde ah oo ku taala xaafada Xaawo Taako ee degmada Wadajir ayaa markii dambe qarxay, iyadoo dadkii ka ag dhowaa goobtana lagu soo wargeliyay inay ka fogaadaan gaariga qaraxa.

Wararka qaar ayaa sheegaya in askar ay ku waxyeeloobeen qaraxa ka dhashay gaariga ay ku hareereysnaayeen ciidamada.

Xaalada degmada Wadajir ayaa saaka aheyd mid kacsan, hase ahaatee waxaa markii dambe ay xaalada ku soo laabatay mid caadi ah, markii gaarigu qarxay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]