4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 17, 2017
Madaxweyne Trump oo aqalka cad ku soo dhaweeyay dhigiisa dalka Turkiga

 

Arbaco, May, 17, 2017 (HOL) - Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa Aqalka cad ee looga arimiyo dalkaasi ku soo dhaweeyay Madaxweynaha dalka Turkiga Erdogan oo booqasho ku gaaray dalkaasi.

Labada Madaxweyne ayaa kulankooda uga wada hadla arimo muhiim ah oo ugu horeeyaan xoojina xariirka labada wadan iyo sidii a isaga kaashan lahaaeen la dagaalanka waxa loogu yeero argagaxisada bariga dhaxe.

Madaxweynaha Turkiga ayaa u shegay Donald Trump sida ay uga soo horjeedo dowladiisa in ay hubeeso dagaalyahanada Kurdiyiinta ee ku sugan gudaha Ciraaq iyo Siiriya ee dagaalka kula jira Kooxda Daacish.

Erdogan oo ka hadlay shir jaraa'id ay wada qabteen dhigiisa Dalka Mareykanka Trump ayaa sheegay in dowladiisa aysan marnaba aqbali doonin wadashaqeynta lala yeesho maleeshiyada Kurdiyiinta ee YPG ee dagaalka kula jirta Daacish.

Dowlada Turkiga ayaa aaminsan Kooxda Kurdiiinta ee YPG ee hubeeneyso dowlada Turkiga in ay yihiin farac ka baxay Kooxda PKK ee dagaalka kula jirto dowlada Trukiga, waxa uuna Madaxweyne Erdogan uga digay Mareykanka in ay hubeeyaan kooxdaasi.

Dowlada Mareykanka ayaa dhawaan shaaca ka qaada in uu hubeynayo maleeshiyaadka kurdiiinta ee YPG oo ay sheegay in ay yihiin kooxda kaliya ee dowladda Islaamka Daacish ka qabsan kara magaalada Raqa ee dalka Siiria iyo magalaooyin kale.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]