4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 17, 2017
Muran ku saabsan maamulka hawada Soomaaliyeed oo u dhexeeya ICAO iyo dowladda federaalka Soomaaliya

Arboco, May, 17, 2017 (HOL) Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya (DFS) iyo Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Duulista Hawada ee (ICAO) ayaa waxaa ka dhex aloosan muran ku saabsan soo wareejinta maamulka hawada Soomaaliyeed.  Doorka ICAO ee aruurinta dakhliga hawada Soomaaliya iyo maamulkeeda ayaa sababay welwel iyo dhibaatooyin badan, sababtoo ah waxaa muuqata daacad darro dhanka ICAO iyo taageero la’aan hay’addu ayna ku taageerayn  sidii Soomaaliya  ay hawadeeda  u maamuli lahayd sida dalalka kale oo madaxa bannaan u maamushaan hawadooda.

Ka bacdi burburkii dowladdi dhexe ee Soomaaliya sanadkii 1991dii, ICAO waxay la shaqayn jirtay maamuladii dalka ka jirey iyo dowladihii kumeel gaarka ahaa. Hadda oo uu dalku yeeshay dowlad rasmi ah, ICAO weli waxay muujinaysaa in ayna danaynayn ama diyaar u ahayn in ay Soomaaliya dib ugu soo wareejiso awoodda maamulka hawada dalka.

Warbixinno ay Hiiraan Online heshay ayaa tibaaxaya in saraakiil sar sare oo ka tirsan ICAO iyo xaafiiskooda Nairobi ay u arkaan maamulka hawada Soomaaliyeed oo ay sida kumeel gaarka ah u hayeen mid joogto ah, eyaga oo aan wax tixgelin ah siineyn dowladda Soomaaliya, iskana dhego tiraya codsiyada dowladda Soomaaliya oo ah in maamulka hawada dalka lagu soo wareejiyo dowladda Soomaaliyeed.

ICAO iyo xaafiiska Nairobi waxay diideen in ay Soomaaliya ka caawiyaan oo xoojiyaan duulista hawada ee Soomaliya. Taas bedelkeeda waxa ay xoojinayaan oo awoodda iskugu gaynayaan xafiiska Nairobi, eyaga oo dhinac maraya  heshiisyadii horay loo gaaray oo ku aaddanaa in Muqdisho laga hirgeliyo xarun duulista hawada oo shaqaynaysa oo laga maamulo hawada Soomaaliya.

Intaas waxaa dheer, intii ay xoojin lahaayeen xarunta Duulista Hawada ee Muqdisho, sida kucad heshiisyada lasoo bandhigay oo u dhexeeya ICAO iyo dowladda Soomaaliya, ficillada ICAO waxay si aan leexad lahayn u muujinayaan in ay kobcinayaan Nairobi, halka ayna Soomaaliya u fidinayn taageero ku aaddan gaaridda hadafyadii lagu heshiiyey. Duulista Hawada ee Muqdisho  lama horumarin lamana kobcin sidii dowladdii dhexe u burburtay sanadkii 1991kii.

Saddex kontaynar oo ay ku jiraan qalab qiimihiisa lagu qiyaasay malaayiin doolar ayaa si ka’ma ah loogu soo diray Muqdisho. Dowladda Soomaaliya waxaa ay diiday in ay wareejiso qalabkaas, maadaama Soomaaliya loogu talo galay ayna ahayd in lagu isticmaalo dalka gidihiisa. Ilo wareedyo aan helnay ayaa noo xaqiijiyey  in qalabkaas ku filan yahay in ay Muqdisho noqoto xarun qalabkeedu u dhan yahay oo ay si hufan ugu maamuli karto hawada dalka.


Waa Seddex Kontaynar oo si qaldan loogu soo diray Soomaaliya balse la rabay in la geeyo xafiiska Nairobi laguna dayactiro.


Hase yeeshee, saraakiil sar sare oo ka tirsan ICAO ayaa farriimo laga helay sheegayaan “ ICAO waxay codsatay in qalanka CPDLC oo markii hore loogu talo galay in loo diro Nairobi laakiin Muqdishu loo diray… in loo soo celiyo Nairobi.” Hal mar keliya ma ahan laakiin marar badan ayaa saraakiil sar sare oo ka tirsan ICAO codsadeen in qalabkaas la soo celiyo.

Wasiirka dhowaan loo magacaabay Gaadiidka iyo Duulista Hawada , Maxamed A Salaad, wuxuu aad u danaynayaa in uu qabto waxkasta oo suurtogal ah si loo xoojiyo waaxda duulista hawada. Warqad wasiirki u diray ICAO, wuxuu hoosta ka xariiqay sida ay Soomaaliya uga go’antahay  in ay si buuxda ula soo wareegto maamulka hawadeeda, wuxuuna yiri “xaafiiska FISS ee Nairobi wuxuu ahaa xal kumeel gaar ah, wuuna soo shaqeeyey xilligii loo baahnaa”, in maalgelin weyn lagu sameeyo xaafiis ku meelgaar ah waxa ay caqabad ku tahay horumarka waaxda Duulista Hawada Soomaaliya.


Dhismo ku dhex yaala garoonka dayuuradaha ee Adan Cadde loona dhisay hay'adda duulista hawada Soomaaliya laakin qalab la'aan iska xiran in muddo ah.


Si kastaba ha ahaatee, codsiyo badan oo is daba joog ah oo loo jeediyey ICAO in ayna kobcin xaafiiska Nairobi ayaan meel laga soo qaadin. Ilo  wareedyo ka shaqeeya xaafiiska Nairobi oo codsaday in aan magacooda la shaacin ayaa xaqiijiyey in usbuucaan xafiiska Nairobi soo gaareen qalab lagu qiimeeyey boqolaal kun oo doolar si loogu rakibo.

Ilo wadeedyo kale ayaa Hiiraan Online u xaqiijiyey in wadatashi ka socdo Muqdishu oo lala leeyahay qareenno caalami ah si loo baaro waddooyinka u furan dowladda Soomaaliya , hadda oo khilaafkii weji kale yeeshay. Laakiin baaritaanka sodca oo ku wajahan hab dhaqanka iyo tixgelin la’aanta qaawan ee ICAO ee ku aaddan Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa la filayaa in uu muujiyo dhaqan xumida ICAO oo ay banaanka u soo baxdo. “Soomaaliya waa dal madax bannaan, mana aha wax la aqbali karo in hawadeeda laga xukumo dal deris ah hadda oo ay diyaar u tahay in ay xoojiso awoodda dowladda siiba waaxda duulista hawada”, sidaas waxaa yiri aqoonyahan Soomaaliyeed oo Hiiraan Online la hadashay.