Arbaco,, May, 17, 2017 (HOL) - Ergeyga
gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Michael Keating ayaa
sheegay in sida loogaga guuleysan karo Alshabaab ay tahay oo kaliya in wadahadal dhinaca siyaasada
ah lala yeesho.
Keating ayaa u sheegay wargeyska caanka ah ee ka soo baxa dalka Maraykanka
Newsweek in cafiska loo fidiyay maleeshiyaadka Alshabaab uu yahay bilow
wanaagsan balse aysan ku filneyn sidii kooxda Alshabaab ay u baabi’i lahayd.
Michael Keating, ayaa sheegay in cafiska kaliya uusan ahayn hab kaligii
shaqeyn kara;“Cafiska waa qorshe wax lagu sasabayo laakiin waxaad u baahan
tahay in qorshe kale oo wajaan ama ul ah aad isticmaali kartid haddii ay dagaal
ay ka dhigtaan qorshahooda siyaasadeed.”ayuu yiri Keating.
Inkastoo kooxda Alshabaab uu Madaxweyne Farmaajo u fidiyay cafis hase
ahaatee ma jiro wax hakin ah oo laga dareemayo Alshabaab waxayna ka sheegtay
ra’iisal wasaaraha dalka Britain May kulankii Khamiistii lagu qabtay magaalada
London ee loogaga hadlayay arrimaha Soomaaliya in weerarada Alshabaab ay saddex
laabmeen.
“Meelaha qaar waxaa jira ifafaale rajo ah taasoo ugu yaraan ah in ururka uu
kala daato, laakiin uma malaynayo in arrinkaas uu yahay mid xilliyada dhow
dhici kara.”ayuu sii raaciyay Keating.
Ergeyga gaarka ee Qaramada Midoobay ayaa ka hadlay sida ay suurtogal u tahay
in ciidamo Soomaaliyeed ay la wareegaan ammaanka dalka Soomaaliya marka la
gaaro 2018 oo ah xilliga ay ciidamada AMISOM ka baxayaan dalka Soomaaliya.
“Waa in la daboolaa daldaloolooyinka nolosha ku sii haya Alshabaab sida
maqnaanshaha amarka iyo kala dambeynta, adeegyada aasaasiga oo aan
lahayn,ciidamada Milatariga iyo Booliska oo aan mushaar la siin sidaa awgeed
musuqmaasuqu uu noqdo mid xaaraantimeynaya dowlada.”ayuu sheegay Keating oo u
waramayay wargeyska Newsweek.
Si kasta ha ahaatee Keating ayaa ku tilmaamay xaalada dalka Soomaaliya inay
tahay mid joogta hadda heer ka xun sanadkii hore.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]