Talaado, May, 16, 2017 (HOL) - Wasaaradda
Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta soo gaba
gabeysay kulan wadatashi ah oo ay Muqdisho ku qabatay, kaasoo ay ka qeyb galeen
wasiirada darstuurka ee dowlad gobaleedyada Puntland,
Jubbaland, Koonfur Galbeed, Galmudug, Hirshabeelle iyo gobolka Banaadir laguna
qabtay magaalada Muqdishu 14-16kii Maajo 2017.
Kulankan wuxuu qayb ka ahaa wadatashi ballaaran oo ay wasaaradda la
sameeynayso dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshada iyo maamulada dalka ka jira
si loo taaba galiyo loona dar-dargeliyo hanaanka geedi-socodka dib-u-eegista
dastuurka.
Sidoo kale waxaa kulankan furitaankiisa lagu martiqaaday kana soo qayb-galay
xubno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka, Guddiga Madaxa Banaan ee dib-u-eegesta
iyo hergelinta dastuurka, wakiilo kasocda xafiiska Madaxweynaha, xafiiska
ra’isul wasaaraha, ururada bulshada raydka, haweenka, dadka baahida gaarka ah
qaba, dhalinyarada, xisbiyada siyaasadeed ee abuurmaya iyo culumaa’udiinka.
Shirka waxaa si rasmi ah u furay Gudoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed
Sh. Cusman Jawaari, waxaana kaloo qudbado ka jeediyay Wasiirka Arimaha Gudaha
Cabdi Faarax Siciid (Juxa), Wasiirka Warfaafinta Eng. Yariisoow, Xildhibaan
Cabdullahi Goodax Bare oo ah Gudoomiyaha Guddiga Kheyraadka ee Golaha Shacabka,
Gudoomiye kuxigeenka Gobolka Benaadir Maluuka C/Qaadir, Xog-Hayaha Guud ee
Gobolka Benaadir Zubeyda Muqtaar, iyo Gudoomiyaha Guddiga Madaxa Banaan ee Dib
u Eegista iyo Hirgelinta Dastuurka Dr. Maxamed Daahir Afrax.
Wasiirka Wasaaradda Mudane Cabdi Xoosh ayaa maanta soo xiray shirka isaga oo
ku tilmaamay in uu yahay tallaabo taariikhi ah oo loo qaaday dhanka dhameeystirka
Dastuurka iyo xoojinta dowladnimada Soomaaliya, waxa uuna Wasaaradaha
M/Goboleedyada ee Arrimaha Dastuurka ka ballanqaaday in uu si dhaw u la shaqeyn
doono.
War-murtiyeedka:
KULANKA WADATASHIGA WAXAA KA SOO BAXAY QODOBADA HOOS KU XUSAN:
1) In la helo Dastuur Qaran oo dhameystirin si looga baxo Dastuurka hadda
jira ee ku meel gaarka ah.
2) In la abuuro Madal ay ku mideysan yihiin Wasaaradda Arimaha Dastuurka ee
XFS iyo Wasaaradaha Arrimaha Dastuurka ee Dowlad Goboleedyada si loo xoojiyo
wada shaqaynta Dowladda Dhexe iyo Dowlad Goboleedyada.
3) Si loo xaqiijiyo dowrka Dowlad Goboleedyadda dalka ee ku aadan
Dib-u-Eegista Dastuurka, waxaa la qaban doonaa kulamo wadatashi oo joogto ah
(saddexdii biloodba mar, ama markii ay jirto xaalad deg deg ah).
4) Madashu waxay ka shaqaynaysaa danta guud, midnimada Ummadda Soomaaliyeed
iyo in Dastuurka uu noqdo mid Soomaali leedahay ayna hogaamineyso.
5) In laga wada shaqeeyo in Dastuurka lagu soo gabogabeeyo muddo labo sanno
gudahood.
6) Madashu waxay sahli doontaa daahfurnaan, xog-isweydaarsi, wadatashi,
wadashaqeyn joogta ah iyo hogaan wanaagsan.
7) Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee XFS, waxay ka shaqeyn doontaa in ay
taageerto Wasaaradaha Arrimaha Dastuurka ee Dowlad Goboleedyada
baahiyooyinkooda kala duwan sida qalabeynta, tayeynta, tababarada iyo howlaha
dhinaca Dastuurka.
8) In Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee XFS ay ka tala-geliso Wasaaradaha
Arrimaha Dastuurka ee Dowlad Goboleedyada dalka arrimaha wacyi gelinta
bulshada, waxbarshada madaniga ah iyo la tashiyada dadweynaha si loo hormariyo
Geedi-socodka Dib-u-Eegista Dastuurka.
9) Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee XFS waxay u xilsaarantahay diyaarinta
iyo fududeynta habsami u gudashada howlaha Geedi socodka Dib-u-Eegista
Dastuurka iyo xoojinta xiriirka hay’adaha ka qeybqaadanaya arrimaha Dastuurka.
10) Wasaaradda Arimaha Dastuurka ee XFS waxay balan qaadaysaa inay
Wasaaradaha Dastuurka ee Dowlad Goboleedyada ay kala shaqeyso sidii ay uga heli
lahaayeen deeq bixiyaasha caalamiga ah iyo Dawladda Federaalka miisaaniyad ay
ku gutaan howlahooda wacyigalinta bulshada ee la xirrirta dib u eegista
Dastuurka.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]