4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 16, 2017
Hogaamiyaha Maamulka Khaatumo oo si adag uga Hor-yimid xubno la sheegay in lagu kordhinayo Barlamaanka Puntland


Sawirka: Cali Khaliif Galayr.


Talaado, May, 16, 2017 (HOL)- Madaxweynaha maamulka Khaatumo Cali Khaliif Galayr ayaa ka soo horjeestay Qorshe maamulka Puntland uu ku doonayo in lagu kordhiyo tirada xildhibaanada barlamaanka oo hadda ah 66 xildhibaan.

Cali Khaliif oo la hadlay qaar kamid ah dad-weynaha magaalada Buuhoodle ayaa sheegay in qorshahan uu yahay mid looga soo horjeedo 17-ka xubnood ee beeshiisu ay ku leedahay barlamaanka.

Qorshaha kordhinta xubnahan cusub waxaa soo jeediyay madaxweynaha Puntland Cabdiwali Wali Maxamed Cali Gaas ,kaasi oo waraaq uu ku dalbanayo arintan u diray gudoomiyaha Barlamaanka ,waxaana la filayaa in kalfadhiga barlamaanka ee dhaawaan furmi doona lagu soo daro ajandahan.

"Warka ka yimid Puntland hadii aydan  maqal waxaa la kordhinayaa tiradii 66-da ahayd ee barlamaanka Puntland ,waxaa la dhaliilayaa 17-ka xubnood ee ay dadkeenu ku leeyihiin halkaas ,hadaba miyaan nalagala tashtay oo wax nalaga weydiiyay " ayuu yiri Cali khaliif oo si adag uga hadlay arintan.

"War kuwa Puntland u sabcinaya ee leh Harti bey-nu nahay dantayada bey hayaan, dee istaaga oo dooda oo hala idin qanciyo , annagu horey baanu  uga qanac-naye " ayuu mar kale yiri Cali oo tilmaamay in tani ay tahay xaq duudsan cad oo ka dhan ah dadka taageersan Puntland.

Cali Khaliif ayaa sheegay in maamulka Khaatumo uu ka shaqaynayo sidii wadanka ay nabadi uga dhici  lahayd , isla markaana waxaa uu dowladda Somalia ugu baaqay in si wanaagsan loo maareeyo wada hadalka maamulka Somaliland.

Ugu danbayn, xubnaha cusub ee lagu kordhinayo barlamaanka Puntland oo gaaraya 11 xubnood ayaa ka imaan doona 7  beelood oo daga Puntland ,lamana oga in xubnaha lagu soo dari doono barlamaanka ay ku jiraan kuwa ka imaanaya gobolada Sool iyo Cayn ee Puntland.

Faysal M. Hassan
[email protected]