4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 16, 2017
Qarax ka dhacay degmada Qansaxdheere ee gobolka Baay

 

Talaado, May, 16, 2017 (HOL) - Wararka ka imanaya magaalada Qansaxdheere ee Gobolka Bay ayaa sheegaya in qarax uu maanta ka dhacay halkaasi, islamarkaana uu dhaliyey dhaawaca dhowr qof.

Dadka degaanka ayaa waxa ay sheegeen in loola dan lahaa mid ka mid ah mas’uuliyiinta degmada oo Maqaayadda imaneyay.

Illaa toddoba qof ayaa lagu warramay inay ku dhaawacmeen qaraxaas, ayada oo laba ka mid ah ay yihiin mas’uuliyiinta deegaanka.

Guddoomiyaha degmada Qansaxdheere Isaaq Cabdi Maxamed ayaa sheegay in ay socdaan baaritaano lagu raadinayo raggii ka dambeeyay falkan.

Degmada Qansadheere ee Gobolka Baay ayaa waxa ay 90-KM ujirtaa Magaalada Baydhabo, waxaana degmada ay go’doon u tahay Shabaab 2012-kii ilaa hada.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]