4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 16, 2017
Xisbiga Daljir ayaa qabtay munaasibad lagu maamuusayay maalinta dhalinyarada [SAWIRRO]


Talaado, May, 16, 2017 (HOL)-Munaasabado uu Xisbiga Daljir ku weyneynayay Maalinta dhallinyada Soomaaliyeed ee 15-ka May, ayna kasoo qayb-galeen mas'uuuliyiin ka tirsan labada Aqal ayaa gelinkii dambe ee shalay iyo xalay waxay ka dhaceen Xarunta Dhexe ee Xisbiga iyo Hotel Makka Al-Mukaramah ee Muqdisho.

Munaasabaddii gelinkii dambe ee shalay lagu qabtay Xarunta Dhexe ee Xisbiga ayaa waxaa soo qaban-qaabiyay garabka dhallinyarada Xisbiga, Waxaana kasoo qayb-galay madaxda Xisbiga iyo Mas'uuliyiin kale.

Sidoo kale, Munaasabaddii xalay lagu qabtay Hotel Makka Al-Mukarama waxaa ka soo qaban-qaabiyay iydana madaxda sare ee Xisbiga Daljir, waxaana lagu soo bandhigay waxqabadkii 13-ka halyey ee SYL, waxaana dhallinyada maanta lagu boorriyay inay ku daydaan oo u istaagaan badbaadinta dalka iyo dadka, maadaama ay ka fursado badan yihiin dhalinyaradii aasaasay SYL.

Guddoomiye ku xigeenka 1-aad Aqalka Sare ee Somalia Abshir Maxamed Axmed [Bukhaari], Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka, Mas'uuliyiin ka socday isbaheysiga axsaabta siyaasadda dalka, guddomiye ku xigeenada 1-aad iyo 2-aad ee Xisbiga Daljir, Xassan Xaaji Ibraahim iyo Axmed Xassan Aadan iyo marti-sharaf kale ayaa munaasabada ka jeediyay hadalo gubaabo u badnaana oo dhallinyarada Soomaaliyeed ay u boorrinayeen.

Ugu dambeyn, 15-ka May ayaa waxaa sannad walba laga xusaa Soomaaliya, iyadoo lagu xusuusto dhallinyaradii u halgamay xorriyadda dalka, kuwaasoo naf iyo maal u huray sidii ay dalka uga xoreyn lahaayeen gumeystayaashii xilligaas maamulayay oo kala ahaa Talyaaniga iyo Ingiriiska.

Hiiraan Online, News Desk