4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 16, 2017
11 qof oo cudurka shuban-biyoodka ugu geeryoodey gobolka Galgaduud

 
Talaado, May, 16, 2017 (HOL)- Ugu ayaan 11 qof ayaa ugu geeriyooday cudurka Shuban-biyoodka deegaanno hoos yimaada degmadda Ceeldheer ee Gobolka Galguduud, sida dadka degaanka ay sheegeen.

Deegaannada cudurkaasi uu ka jiro waxaa kamid ah Xalaneey, Hulcaduur, Howdleey, iyo Dalxiis.

Dadka geeryooday waxaa kamid ah carruur iyo haween, waxaana dhinaca kale lasoo sheegayaa in ay jiraan dad badan oo la jiifa xarumaha caafimaada xanuunka cudurka.

Maamulka Isbitaalka degmadda Ceeldheer ayaa sheegay in ay Isbitaalka ka jirto dawo la’aan, taasina ay qasbi karto in xaaladda ay adkaato.

Degaannadda qaar ee ka tirsan gobolka Galgaduud, ayaa waxaa maamulla Al shabaab.

Dhinaca kale deegaanno hoos yimaada Gobolka waaxaa ka taagan xiisad colaadeed, kadib markii maleeshiyo beeleed ay ku dagaalameen degaanka Labi-Caano.

Dagaalkii ka dhacay degaanka waxaa ku dhintay lix qof halka 10 kalana ay ku dhaawacmeen, sida uu sheegay Maxamed Cali oo ah Guddoomiyaha Gobalka Galgaduud ee Dowladda Soomaaliya.

Hassan Istiila, 
Hiiraan Online
Mogadishu,Somalia
[email protected]